Waxaa la soo gaahdey waqtigii la cadeyn lahaa ee la cayimi lahaa Doorashooyinka isbarkan ee mugdiga iyo mad-madowga galey
Maanta waxaa taagan oo la soo gaadhey waqtigii caqli saliim ah lagu cayimi lahaa ee la mudeyn lahaa waqtigii ay doorashooyinka isbarkani ku qabsoomi lahaayeen waxaana ilaa hada lumey 3 bilood, waxaa ay komishankii hore umudeeyeen in diiwaangelinta codbixiyayaashu bilaabmaan bishii hore ee Sebtembar ayna dhamaadaan bisha Decembar 2014. halkaana waxaa ku cad in waqti ku lumay, Laakiin su’aasha qarnigu waxay tahay , Waar nimankii qabsan kari waayey shirkii golaha dhexe ee Xisbi xaakimkooda miyey qaban karaan laba Diiwaangelinood oo xalibnaan ah iyo Doorashooyin isa sudhan oo xor iyo xalaal ku dhamaada? Waa su’aasha qarniga oo jawaabteedu way adag tahay oo waa ka shaki ! Mise loogu dhaartey Xukuumada talada inoo haysa ee xiqdi iyo xajiin badan iyo goleyaasheeda isku fasaqmey in xilalka kuraastan ay ku fadhiyaan aaney aheyn meherado ay iyagu gaar uleeyihiin ee ay yihiin kuraas amaano ah oo mudeysan oo wareegto ah.
Xukuumada Siilaanyo iyo Goleyaasheeda isku liinbaxey ee mooshin ku noolka ah marna laga yeeli maayo in ay xafuujiyaan oo biyo dhiijiyaan Dastuurka qaranka qodobkiisa 83-aad faraqiisa 5-aad, marna laga yeeli maayo in ay qodobkan kolba salaaxaan oo xigaan oo ay xoor aanu laheyn kaga keenaan. laga yeeli maayo in mooshin quutayaal bah-wadaag ah oo gacan wadaaga ku caan baxey in ay wadanka khal-khaliyaan.Marna dib looga yeeli maayo in ay xejistaan oo ku sii negaadaan kuraas aan sharciga wadanka waafaqsaneyn oo aan caqliyad saliim ah ku fadhiyin. laga yeeli maayo in ay sharcigii ay kuraasta ku fuuleen ixtiraami waayaan, laga yeeli maayo in ay ixtiraami waayaan shacabkii codkooda, dareenkooda, garaadkooda, garashadooda iyo foodkooda ku doortey.
Xukuumadeey dastuurka qaranka hadii la ixtiraami waayo oo lagu dhaqmi waayo, hadii dhaartii dastuuriga aheyd ee qodobka 129-aad laga dhabeyn waayo oo laga rumeyn waayo. Shacabkii idiin codeeyey ee idin dirtey ee idin doortey hadii la xaqdhawri waayo. Qaran dhiskii iyo qori isu dhiib dhiibkii lagu balamey hadii la dhawri waayo kuraas la isku ruxo oo lagu fadhiyi doonaa ma Jiri doonto. xaasha-xaasha, Waxaa la isugu iman doonaa talo qaran oo mucaarid ilaa qeybaha kala duwan ee bulshada JSL ku arinsato ka dibna waxaa la sameyn doonaa Xukuumad loo dhan yahay oo ku meel gaadh ah oo karti iyo karaaamo leh taas oo dalka iyo dadka gaadhsiindoonta waqti cayiman oo lagu qaban doono doorasho xor ah oo xalaal ah.
Alleh ayaa mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom