|

Dib u Curashada Khilaafka Wakiilada,Afkaaraha labada dhinac,Kaalintii Shirgudoonka Guurtida oo dhinac u Ciiray

Hargaysa 27.Oct 2014 (SDN/QJ)- Todobadii Cisho ee u danbeeyay Waxay hadal haynta Siyaasada Somaliland Mar kale u JanJeedhsantay Khilaafka ka dhex Curtay Mudanayaasha Aqalka Wakiilada oo Sannadkan aynu ku guda jirno ay Golaha Guurtidu heshiisiiyeen.

Khilaafkii kan ka horeeyay Waxa uu u dhexeeyay Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo ah Gudoomiyaha iyo Labadiisa ku Xigeen kaas oo salka ku hayay Xeer Hoosaadka Golaha oo Wax ka bedel lagu sameeyay uu Suurto Geliyay in Awoodihii labada ku Xigeen hoos loo dhigo,kaas oo Xaraarada Golaha Gaadhsiiyay Heer kulkii ugu sareeyay hasa yeeshee waxaa soo afjaray Gudi ka tirsan Golaha Guurtida.

Khilaafka Maanta iyo Obocdiisu waxa uu ku aroorayaa Xeer Kaabis iyo Lifaaq raacin lagu sameeyay kaas oo ah Xeerka Diiwaangelinta Muwaadinka oo ay Curintiisu ka Timid Xukuumada hasa yeeshee Waxaa qabyo qoraalka Xeerkaasi ka biyo diiday Xisbiyada Mucaaridka oo Hogaamiya Aqalka Kowaad ee Sharci dejinta,ilaa ay gaadheen inay Qaadacaan Diiwaangelinta Madaniga ah oo Dawladu dabada ka riixaysay iyagoo ku dooday in Xeerkani dabar ku yahay is barbar socodka Diiwaangelinta Muwaadinka iyo Ka Codbixiyeyaasha,kana  soo hor jeedo Heshiis ay hore u wada gaadheen Xisbiyada,Komiishanka, Xukuumada iyo Qaadhaan bixiyeyaasha.

Hasa Yeeshee Wada hadal ayaa lagu dhameeyay Qodobadii ay Mucaaridku diidanaayeen,Dood afar Cisho socotay oo ay ka dhasheen Talo soo Jeedimo ayaa Gunaanadkeedii lagu ansixiyay Xeerka Diiwaangelinta oo lagu Lamaanaysiiyay in Sannadka soo socda hal mar la wada qabto doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada .

Gudoomiye C.raxmaan Cirro ayaa Golaha Guurtida u Gudbiyay Xeerkan ay Meel mariyeen si ay dhankooda uga Gutaan Waajibaadka ay ku leeyihiin hasa yeeshee Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada oo Xukuumada Gacan saar la leh ayaa u dusay Gudoomiyaha Guurtida isla markaana u sheegay in Xeerkani aanu ahayn kii ay ansixiyeen,Xildhibaanadani si Cad uma qeexayaan marka doodooda la dul  istaago waxa ku jaban xeerka gudbay oo Guurtidu ka saari karaysay Wixii ay dhibsadeen hadii aanay dhaawacayn Mugii dooda Xildhibaanada .

Gudoomiye Saleebaan Sida ay Wada shaqaynta labada Gole Waajibinayso Waxaa u Furnayd inuu Golihiisa ka dalbado Qodobadan 1.In ay Sidiisa ku ansixiyaan Xeerkan 2.In Gudi loo saaro oo  Wax ka bedel iyo Kaabis ay ku soo ku sameeyaan, Codka Aqlabiyada Golahana lagu ansixiyo 3.iyo inay si duuduub ah ugu celiyaan Wakiilada si la isu soo waafajiyo Xeerkan hadii Muran ku jiro.

Hasa Yeeshee Gudoomiyaha Aqalka Guurtida ayaa u dhego nuglaaday Mudanayaal ka baxsan kuwa uu Xukumo oo Cabasho u soo Gudbiyay iyadoo Sharciga Wakiilada iyo Guurtiduba dhigayo in hadii wax laga tawdo Shirgudoonka dhamaantii amase Midkood in Mudanayaasha labada aqal ay Cabashadooda u Gudbin karaan oo Keliya Gudi Hoosaadyadooda Joogtada ah .

Labada Gudoomiye ee Guurtida iyo Wakiiladu si Gaar ah ayay uga wada hadleen Xeerkan Muranka dhaliyay, Gudoomiye Saleebaan Waxa uu dhigiisa Cirro ka dalbaday inuu hubiyo Xeerkan uu u soo Gudbiyay inuu yahay kii Golihiisu ansixiyay dooda Gudoomiye Cirro ayaa ahayd Mid ku adkaysanaysay Sharcinimada Xeerkan kana dalbaday Saleebaan Gaal inuu Xeerkan Mariyo dariiqa ay ku wada shaqeeyaan labada gole,Taasi oo aan Suurto gelin.

Gudoomiye Cirro ayaa Golihiisa u Iclaamiyay Fadhi aan Caadi ahayn oo lagu ansixinayo Komishanka Cusub ee doorashada iyo Warbixinta Miisaaniyada Taas oo ay Ganafka ku dhufteen Xildhibaanada Muxaafidku una soo Jeediyeen Gudoomiyahooda inay Wada hadal ka galaan Xeerka Khaldan ee u Gudbiyay Guurtida sida ay Yidhaahdeen iyagoo ka digay in hadii tooda aan loo yeelin in aanay ka soo xaadirayn fadhiga golahooda.

Si kastaba ha ahaatee amuurtani Waxay sii Kordhisay Shakiga ku aadan qabsoomida doorashooyinka ee kal danbe, Labada dhinacna Midba Midka kale ayuu ku eedaynayaa inuu Mas’uuliyada leeyahay,waxaa kale oo ay Hakad ku ridaysaa inay hawl galaan Komiishanka Cusub oo la’aantii aan doorasho la hawaysan karin.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed