“Cabdilaahi Abokor waxa lagu helay inuu qarankii Barobagaandheeyey oo uu yidhi xukuumadda madaxweyne siilaanyo waxa ku jira koox gunti-gaab aaanu u naqaano oo…”Garsoore Xuseen Jaamac Belel.
Hargeysa:Oct,26,2014(SDJ/QJ)-Garsoore Xuseen Jaamac Belel oo ahaa Garsoorihii saaka Xukunka Saddexda Sano ah ku riday Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Amniga Cabdilaahi Abokor, ayaa faahfaahiyey eedaha lagu helay Masuulkan hore uga tirsanaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Garsoore Xuseen Jaamac Belel oo saaka markii xukunkani dhacay u warramay warbaahinta, ayaa sheegay inay xukunkaas u cuskadeen qoddobo sharci oo cad cad, waxana uu tilmaamay in Masuulkaas hore u ga tirsanaa xukuumaddu gurigiisa laga helay hub sharcidarro ah.
Garsoore Belel waxa uu ugu horrayn tilmaanay inuu caddaalad marsiiyey Cabdilaahi Abokor ugu dambayntii xukunkaas lagu riday oo uu aaminssan yahay inuu caddaalad u ekaa,
“Haddaan ku horreeyo xukunka Maxkamaddu waxay haysay gal-dacwadeed sumaddiisu tahay 660 oo afar eedaysane ku eedaysan yihiin kuna kala eedaysan yihiin Qoddobada 215-264 oo kala gaar ah, waxana ay lahaayeen afar eedood oo midda koowaad gaar u ahayd Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor midna saddexdooda ayey wada jir u ahayd oo waxay ahayd inay ciidankii kala horyimaadeen hub iyo is difaacid, waxana ay cidanka kala horyimaadeen Hub sharcidarro ah, dacwaddana waxanu haysanay 6-fadhi, Cabdilaahi abokor waxa uu ahaa wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga mana aanu eegin, booskiisii iyo sidii dadku jeclaayeen, laakiin cabdilaahi waxa uu naga helay xukun caddaalad ah oo dhegaysi caddaalad ah ayuu naga helay, qofkuna waxa uu u baahan yahay in la dhegaysto oo uu si caddaalad ah loo dhegaysto.” Ayuu yidhi Garsoore Belel.
Waxa uu sheegay in xeer ilaalintu ay maxkamadda horteeda keentay Maragyo shan ahaa oo markhaatiga ku furay wixii uu Masuulkaasi ku eedaysnaa, isagoo xusay inay maragyadaasi caddeeyeen wixii ay ogaayeen iyo sidii wax u dhaceen,
“Xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda waxay keeneen shan markhaati, shantaasi eedda labaad ayuun bay ka markhaati furayeen, Booliskuna waxba ma weeraraane hawgal bay fuliyaan, Haddii ay xog helaanna qoddobka 58-baa u oggol inay tallaabo qaadaan, shantaas markhaatina waxay ka marag furayeen saacadda Gurigaas la galay inay Kawdii ahayd Dadkii ay iyaga xabad ku rideen, gurigii halkaas laga qabtayna ay xabad ku bilaabeen.” Ayuu yidhi Garsoore Belel.
Garsooruhu waxa uu Faahfaahin ka Bixiyey kiisaska lagu helay Cabdilaahi Abokor,kuwaas oo ay ugu weyntahay inuu Masuuliyiinta qaranka ka tirsan ku sheegay inay ka tirsan yihiin Argagixiso,
“Cabdilaahi Abokor waxa lagu helay kaw inuu qarankii Barobagaandheeyey oo uu yidhi xukuumadda madaxweyne siilaanyo waxa ku jira koox gunti-gaab aaanu u naqaano oo doonaya inay waddanka geliyaan khalkhal siyaasadeed oo marba magac la baxa, qoddobkaana cabdilaahi waanu ku helay, laakiin Xeer ilaalintu waxay ku eedaysay inuu yidhi wasiirradaa argagixiso ah, laakiin ma uu odhan taas, takale ee xuduudda la xidhayna wax cad ma ay ahayn” ayuu yidhi Garsoore Xuseen Jaamac Belel.
Garsooruhu waxa uu sidoo kale sii waday Kiisaska ku caddaaday Wasiirku-xigeenkii hore ee Amniga, waxana uu sheegay in Lagu waayey eedo badan oo xeer ilaalint markii hore keentay, balse beenoobay, waxana uu yidhi,
“Eedda labaad ee cabdilaahi lagu eedeeyey waxay ahayd inuu ciidan urursaday cadbilaahi, mana jiro ciidankaas oo maxkamad kagama hor caddaan, boliskuna ma ay sheegin cidkalena ma ay sheegin laakiin xogta ay iyagu hayeen weeye, mana jirto hub u riday iyo iska caabin uu sameeyey isagoo hurda Kowdii habeenimo ayuu xabadda ku toosay, markaa taasi may caddaan, laakiin inankaa waardiyaha ah ee xabadaha riday ayuun baa kiiskaa lagu riday. Cabdilaahi waxanu ku helnay eeddaas Koowaad ee ah inuu qaranka Borobagaandheeyey ee uu Al-shabaabka ku sheegay oo laba sano ayaanu halkaas kaga xukunay, ta labaadna waa Hubkaas uu haystay ee sharcidarrada ahaa, waxana la weydiiyey cidda Hubka leh, waxana uu sheegay inuu isagu leeyahay, waxana uu tilmaamay inaanu wax sharci ah u haysan.”
Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Amniga somaliland Cabdilaahi Abokor, ayaa saaka lagu xukumay muddo saddex sano ah, waxana qareenkiisa iyo xeer ilaalintuba sheegeen inaanay ku qanacsanayn oo ay rafcaan ka qaadan doonaan.
SDN/QJ