Maraykanka Oo Somalia Kasoo Saaray Warbixin Dhiillo leh Oo Aan Lagu Farxin
Washington:Oct,2014(SDN/QJ)-Dawladda waddanka Maraykanka, ayaa warbixin dheer kasoo saartay ammaanka guud ee dalka somalia, waxana ay xustay inaan ammaanka Somalia ahayn mid ay muwaadiniinta reer Maraykan isku hallayn karaan.
Waaxda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha dibadda oo warbixintan soo saartay, ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay Somalia u safraan, sababo dhinaca ammaanka ah, waxana la xusay weeraro qorshaysan oo muddooyinkii dambe kooxa dagaalka wadaa ka geysteen koonfurta Somalia.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in bishii April 21 iyo 22 isla sanadkaan 2014 ay xarakada shabab ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan barlamanka dalka somaliya,sidoo kale isla bishii February waxaa ay weerar ismiidaamin ah ay ku qaadeen dhismaha madaxtooyada halkaas oo 16 ruux ay ku dhinteen,warbixinta ayaa waxay ku dareysaa in 7-da April labo ka mid ah shaqaalaha QM in lagu shirqoolay garoonka Galkayo, sidaasi darteedana ay uga digayaan in muwaadiniintooda ay usafraan dalka dhaca geeska Africa ee Sooomaaliya.
Qoraalka waaxda arimha dibada dalka Marayknaka waxaa kale ka dhexmuuqtay in Budhcad-baddeed Somalida ay bishii February 22-dii ee sannadkii 2011-kii afduubteen, isla markaana ay dileen Afar Muwaadin oo Maraykan ah oo dooni dalxiis ku marayey meel ka baxsan Xeebaha Soomaaliya.
Waaxda Arrimaha dibedda ee dalka Mraaykanka Hadalka ka soo baxay ayaa lagu sheegay inaanay degganayn xaalladda amamanka ee Somalia, isla markaana ay weli jiraan afduubyo, qaraxyo, dilal iyo Dhaqdhaqaaqyo Argagixiso iyo Kooxo Hubeysan, waa sida lagu xusay Warbixinta.
Dhinaca kale warbixinta ayaa sidoo kale daaha ka rogeysa inay ka fogaadaan Xeebaha Soomaaliya, si aysan Budhcad-baddeeda u soo weerarin Maraakiibtooda.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com