|

Dhaqdhaqaaqyo Xilka Lagaga Qaadayo Ra’isal wasaaraha Somalia Oo Laga Dhex Bilaabay Baarlamaanka Somalia iyo Kulamo xalay dhacay

Muqdsho:Oct,26,2014(SDN/QJ)-Khilaafka dibadda u soo baxay ee dhex yaallla madaxweyne Xasan sheikh iyo Ra’isal wasaarihiisa, ayaa haatan gaadhay heer laga fikiro in xilka laga xayuubiyo Ra’isal wasaaraha oo isaga ay idku dhaceen madaxweynaha.

bixDhaqdhaqaaqyo ilaa xalay shacabku dareemayeen ayaa ahayd inay xubnaha baarlamaanka ee madaxweynaha taageersani si gaar ah kulamo u lahaayeen, isla-markaana diyaarinayeen naqshadihii xilka laga qaadi lahaa Ra’isal wasaare cabdiweli oo isagu muujiyey kalsooni iyo awood uu kaga soo horjeedo madaxweyne xasan sheikh.

Xubnaha baarlamanka ayaa iyagu ku Hawllan diyaarinta mooshin Golaha la dhexgeeyo, maadaama uu madaxweyne xasan sheikh si weyn uga soo horjeestay isku shaandhayntaas oo lala beegsaday wasiirro ay si gaar ah isku taageersanaayeen.

Mooshinkani oo hore loo qabanqaabinayay, loogana fikirayay ayaa hadda karaar qaatay, iyada oo madaxweynaha uu dabada ka riixayo mooshinka.

Ra’isulwasaaraha oo sii ogaa qorshaha mooshinka ayaa xaaladda uga sii daray si durba loo kala boxo, isaga oo badalay Faarax Canduqaadir oo madaxweynaha saaxiib dhaw la ahaa.

Madaxweynaha oo hadlay ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay isku shaandheynta, wuxuuna wasiirada amray in ay sii wataan shaqadii lagu ogaa.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed