|

Xaasaasiyadda Fadhiga Maanta Wakiilladu u Ballansan Yihiin iyo Madaxtooyada Oo Xubnaha Taabacsan ku Dhiirrigelisay inay Kursiga Ka Takhaan-tukhiyaan Guddoomiye Cirro

Hargeysa:Oct,26,2014(SDN/QJ)-Xubnaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa ay Maanta u ballansan yihiin kulan aan caadi ahayn oo dhawaan loogu yeedhay oo ujeeddadiisu tahay inay ku meel mariyaan Xubnaha        Komishanka doorashooyinka qaranka oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo  ansaxiyey.

baenKulankan oo shalay ay ahayd inuu dhaco, ayaa waxa lagu wadaa iinuu saaka furmo, waxana Xubnaha Wakilada oo laba garab u kala fadhiyaa ay ilaa xalay ku mashquulsanaayeen dabinno siyaasadeed oo la doonayo inay qolo waliba ku muquuniso qolada kale.

Maalmahanba waxa taagnaa khilaaf siyaasadeed oo aad u xoogan, waxana eedo kulul la isku mariyey warbaahinta, iyadoo khilafkaas siyaasadeedna uu salka ku hayey Xeer shirguddoonka goluhu u gudbiyey Golaha Guurtida oo dib loosoo celiyey.

Xubnaha Muxaafidka ah ayaa iyagu sheegaya in Ka hor inta aan la dhexgelin Cod u qaaddida Xubnaha Komishanka doorashooyinka  ay golaha horkeeni doonaan Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golahaas, waxana ay ku eedaynayaan inuu Sharciga jabiyey oo uu wax-ka-beddel ku sameeyey Nuqul kamid ah Xeerka diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo dhawaan ay ansaxiyeen.

Madaxtooyada, ayaa iyadu geed dheer iyo mid Gaaban ba u fuushay sidii ay Guddoomiye cirro meesha looga saari lahaa, waxana xubnaha taageersan xisbiga Kulmiye loogu ballan qaaday inay soo dhaweyn iyo waxbaabo kale oo badan heli doonaan haddii ay meesha ka saaraan Guddoomiyaha Golahaas oo madaxtooyadu marar hore ku guuldarraysatay inay meesha ka saarto

Ilaa iyo xalay waxa  Huteellada kala duwan ee Magaalada Hargeysa ka socday Gucle iyo orod ay ku jireen Xubnaha kala duwan ee Golaha Wakiilladu, waxana Xubnaha Muxaafidka ah oo ay xukuumaddu dabada ka riixaysaa ay wadeen  kulamo ay doonayaan inay Golaha Dhexdiisa ka muujiyaan awoodda ay leeyihiin ee ah inay aqlabiyadda Golaha gacanta ku hayaan, isla-markaana Kooramku uu ku furmi karo imaanshahooda oo kali ah.

Xubnaha Muxaafidka ahaa sida ay sheegayaan wararka aanu haynaa, waxa ay ku heshiiyeen inay khasab ka dhigaan in miiska la keeno khaladka ay sheegayaan inuu           Guddoomiye Cirro galay, waxana ay si cad uga soo horjeedaan ina la gudo galo Ansaxinta Xubnaha Komishanka qaranka.

Xubnaha mucaaridka ah oo tiro ahaan laga Badan yahay, ayaa iyaga qudhoodu aan yaraysan sidii ay awooddooda u muujin lahaayeen, waxana taladooda kusoo afmeereen sidii ay xubnaha komishanka u meelmarin lahaayeen.

Guddoomiye cirro ayaa isaga laftiisa wax aka Go’an inuu sulux ku dhameeyo muranka soo kordhay, waxana uu hore saxaafadda uga sheegay in Goluhu dhexdiisa dhamaysan doono waxkasta oo soo kordhay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed