Ganacsade Kasoo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Oo Lagu Wareejiyey Xaruntii Akhriska Ee Gaandi Library
Hargeysa:Oct,26,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Xaruntii wax lagu akhrisan jirey ee Gaandi Library ka iibisay Ganacsade kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaano oo muddo badan daba socday.
Sida ay xaqiijiyeen dadkii gacanta ku Hayey Goobtaas ee keeni jirey Buugaagta ardaydu akhrisan jirtey oo aan wax lacag ah qaadi jirin, waxa ay sheegeen in si qabyaaladaysan goobtaas looga Iibiyey Ganacsadaha caanka ah ee Ina Faarax Xarbi oo ay isku Beel kasoo wada Jeedaan Madaxweynaha somaliland Axmed Siilaanyo.
Axmed Maxamed Ismaaciil oo ah muwaadinka Gacanta ku hayey Xarunta wax lagu akhrisan jirey ee Gaandi, ayaa sheegay in si rasmi ah Furihii Goobtaas looga qaaday, isla-markaana lagu wareejiyey Ganacsadahaas oo doonaya inuu arrimo shakhsi oo ganacsigiisa la xidhiidho ka hirgeliyo, waxana uu Bulshada ugu baaqay inay arrintaas ku baraarugsanaadaan.
Mudane Axmed Maxamed, waxa uu si cad u sheegay inay ganacsadaha ay madaxweynaha isku Beesha yihiin xukuumaddu ku qanacday inay ku wareejiso goobtaas ardaydu wax ku akhrisan jirtey ee danta Guud ahayd, waxana loo leexiyey goob cid gaar ah loogu shaqeeyo,
“ilma faarax xarbi waxaan leeyahay walaalo amaanka hanaloogu dadaalo,wasaarada hawlaha guud ayaa tidhi nimaankaas anaga ayaa siinay laybareerigii gaandi,markaas siday wasaarada hawlaha guud u siin kartaa nin ganacsade ah halkiin shacabka iyo ardayda dalka wax ku akhrisanayeen,waxaanan madaxwaynaha somalilan ka codsanayaa inuu arintaas ka hawl galo khaladkaas galayna Saxo nimankaas lacagta badan sitana waxaan leeyahay maanta waxa la joogaa 2014kii ee lama joogo 1984kii.” Ayuu yidhi Axmed Maxmed.
Goobta Gaandhi Library waxa ay muddaddii somaliland dib ula soo noqotay Madaxtinimadeeda ahayd xarun si lacag la’aan ah wax loogu arkhiryo waxana muddadaas ka Aflaxay Kumanaan Da’yar ah oo ka faa’iidaystay Buugaagta Goobtaas dhex taalla.
Xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu tilmaamaa inay tahay mid dhinaca eexda iyo cid jeclaysiga ku dhegsan, waxana hore u dhacday in dad ay si gaar ah madaxweynaha iskugu dhaw yihiin ay gacan-togaaleeyaan Goobaha dufanka leh amaba meelaha danta Guud ee Mustaqbalka dambe waxsoo saarka leh.
Xukuumaddu wali dhinaceeda kama ay jawaabin sababta ay Goobtaas muhiimdka u ah da’yarta ugu wareejisay Ganacsadahaas, waxase la fahansan yahay inay wasaaradda Hawlaha guud fulinayso Waraaq ka timi madaxweynaha oo isagu amar ku bixiyey in ilma faarax Xarbi goobtaa lagu wareejiyo.
Xarunta Akhriska Ee Gaandhi Library, ayaa iyadu waxa ay ahayd Goobtii kali ahayd ee magaalada Hargeysa wax lagu akhrisan jirey, waxana si joogto ah ugu xidhnaa KUmaan kamid ah Ardayda somaliland ee wax Barata oo ay arrintani ku tahay dagaal ka dhan ah Dedaallada ay wadaan.
SDN/QJ