Mar hadii ay Mugdi & Mad-madow galeen Doorashooyinkii is barkanaa Waa in sida ugu dhakhsaha badan ay Labada Xisbi ee Mucaaradka ah iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada JSL ay isugu yimaadaan shir Talo Qaran ah
Waxaa aynu ka wada dheregsanahay marxalada guud ee cakiran ee maanta uu dalku maraayo iyo in milgihii iyo midnimadii qaranimo ay luntey oo meesha ka baxdey. Waxaanu si mug-leh u-soo dhaweyneynaa oo utaageereynaa muwqif ah in talo qaran ay isugu yimaadaan xisbiyada mucaaridka iyo madasha wadatashiga iyo toosinta qaranku si wadanka loo bad-baadiyo oo looga saaro mugdiga iyo marxalada madow ee uu hada ku jiro loona sameeyo time line ay ku dhacaan doorashooyinka is barkan ee hada la majara habaabiyey si ay ugu qabsoomaan waqtigii loogu talo galey oo ahaa 26/6/2015.
Sida aynu wada ognahay Maanta nidaamkan dalka ka taliyaa wuu fashilmey, waxaana uu hore ugu fashilmey Doorashadii Golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacdey dhamaadkii 28/11/2012. Bal hada nala wadaaga fashilaadahan tiro beelay ee Xukuumada Siilaanyo ku fashilantey :
1- Iyada oo ay ka hadheen 8 bilood Doorashooyinkii isbarkanaa komishankii qaranka weli lama howl gelin lamana wada ansixin.
2- Xeerkii Diiwaangelinta ee xr 37 oo aan qabyo tirneyn oo ilaa hada la isku tuur tuuraayo sidii kubada
3- Diiwaangelintii Madaniga aheyd oo lagu qalaxey Diiwaangelintii Codbixiyayaasha oo time line aan loo sameyn
4- Hayadihii qaranka ee hawshaa lahaa oo noqdey qaar fasaqmey, ragaadey,xagal daacey, hagaasey oo baalmarey hawlihii loo doortey
5- Golihii wakiilada oo waqtigoodii dhamaadey oo noqdey Xildhibaano uu xaalkoodii noqdey mooshin ku nool xod xodanaaya oo xuuraaminaaya oo kelya xoolo aan bireysneyn oo booli ah.
6- Golihii Guurtida oo waqtigoodii dhamaadey oo badankoodii iyana ay noqdeen dhaameel ku nool, danley iyo dilaal kunool.
7- Cadaalad daradii oo xadka dhaaftey oo aan ilaa go’aanadii maxkamadaha loo fulineyn si cadaalad ah ama maxkamadiii dhexdeeda laga dhex leeyahayba cagta hoosteeda ayaad ku jirtaa ee car juuq dheh ( waa dhacdo run ah oo ku dhacdey Mujaahid Yusuf Abdi Gaboobe )
8- Waxaa ubaahan in laga wada tashado oo maanta ummadda S/land ucadaatey oo ay indhahooda ku arkeen iyada oo Hantidii ummadda iyo Awoodihii dawladnimo lagu ganacsanayo oo loo isticmaalaayo in lagu wax yeeleeyo oo lagu fur-furo oo lagu kala qeybiyo midnimadii, wadarnimadii,walaaltinimadii iyo wax-wada lahaanshihii ka dhaxeeyey shacabka walaalaha ah ee reer S/land, iyada oo welibana lagu cabudhinaayo awoodii dawladnimo Saxaafada madaniga ah ee xorta ah ee JSL.
9- Waxaa wadanka ku noqdey dhiig-bax aanu ka soo kaban karin oo ubaahan in laga wada tashado Dhaqaalaha Malaayiinka Dollar ah ee wadanka ka soo gala kheyraadka dabiiciga ah sida sahaminta shidaalka, macdanta iyo liisamada la siiyo shirkadahaas, taas oo si gaar ah loogu tagri falo oo loo lunsado oo aan khasnada dawlada ku soo dhicin iyada oo weliba wixii heshiisyo lala galey shirkadahaa iyo ciidamada loo sameysanaayo aan midna la soo marin hayadihii ku shaqada lahaa si ay muraadkooda uga gutaan.
10- Dhimashadii, dhaawicii, diiftii, dil-dilaacii,riiqdii, hitaaqadii, qeybsanaantii, qabyaaladii ay inagu reebtey Doorashadii xaqdarada iyo xaaraanta ku dhamaatey ee golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacey 28/11/12 oo weli inoo huursan oo aan waxba la iska weydiin.taas oo ku dhacdey sife xaaraan ah oo xukuumadu ay boobtey ilaadadii iyo foodkii shacabka si cadaan ah sidaa daraadeed waa in laga wada tashadaa sidii dib la isugu aamini lahaa doorashooyinka isbarkan ee ka culeyska badan tii hore inoo soo martey..
11- Nabadgelyo darada iyo arimaha cakiran ee gobolada bariga S/land waa in laga wada tashaadaa oo xal sugan loo helaa in taan la geyn Ciidamada OPU ee aan la mahadin..
12- Waa in laga wada tashadaa heshiisyada aan loo dhameyn ee lala gelayaalo Somaaliya oo hada ku soo ururey hadaaq iyo halaan hal iyo dhaqaale qaybsi aan xalibnaan, xisaabcelin iyo xisaabtan midna laheyn.
13-Waa in laga wada tashadaa xeerarka badan ee dastuurka qaranka ee wada qabyada ah ee ku soo wada dhamaanaaya xeer ayaa qeexaaya waa in meel la isla dhigaa qabyo tirkaa xeerarka dastuurka ee golaha wakiiladu ay gabeen ee ay ka gaabiyeen.
14-Waxaa ubaahan in laga wada tashado Xukuumadeena dhinaca ka raran ee ay beesha dhexe isku koobtey mansabyadii iyo hayadihii duxda iyo iidaanka lahaa si beelaha darafyadu aaney ugu shaashoobin xukun qaybsiga dalka.
15- Waxaa ubaahan in laga wada tashado Nabadgelyada guud ee qaranka oo aad hoos ugu dhacdey oo kala mareysa level 2, level 3,4,5,. 16- Waa in laga wada tashadaa siyaasada arimaha debeda ee wadanka oo hada noqotey madhaleys u shaqeysa sida NGO-yada.
17- Waxaa ubaahan in laga wada tashado dhamaan xeerarkii shaqo abuurka iyo maalgashiga ahaa oo ay uheshiiyeen Xukuumada iyo golaha wakiiladu oo ay miiska hoostiisa geliyeen waxaana ka mid ah xeerarkaa xeerka batroolka, tamarta iyo macdanta, xeerarka maalgashiga , xeerka kala xadeynta ganacsiga iyo xeerarka baananka dalka ee Xawaaladaha laga doorbidey..
18- Waxaa ubaahan in laga wada tashado tahriibta iyo shaqo la’aanta ragaadisey dhalinyaradii iyo haldoorkii mustaqbalka ee wadanka oo shaqo abuur waayey.
19- Waxaa ubaahan in laga wada tashado habka aynu qaadaney ee ah madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen in aynu deysano in aynu bedelno mustaqbalka.
20- Waxaa ubaahan in laga wada tashado kuraasta baarlamaanka ee xildhibaana ku soo baxayo 1000 cod midna ku soo baxey 15,000 ee cod.
21- Waxaa ku haboon in laga wada-tashado sidii kuraas loogu kooteyn lahaa Haweenka wadanka iyo beelaha laga tirada badan yahay oo labaduba dulman indhaha caalamkuna ku foogan yihiin waqtigan xaadirka ah.
Waxaanu ka rajeyneynaa xisbiyada mucaaradka ah in ay kaalintii ay gabeen ka soo baxaan waqtigan oo ay sida ugu dhakhsaha badan ay ugu dhawaaqaan oo umudeeyaan waqtigii la qaban lahaa shirweyne qaran oo ay dhamaan udhan yihii qeybaha bulsha ee JSL, shirkaas oo noqon doona dood cilmiyeed mug leh oo lagu lafo guri doono laguna dersaayo xal-uhelidii dhamaan halahan cakiran ee ay ka midka yihiin dhiilooyinkaa, dhibaatooyinkaa iyo caqabadahaa isdul-barkan ee ina horyaala ee aan kor kaga soo wada dhawaajiyey si xal kooda loo helo oo ay wadanka ugu soo noqoto karaamadii ,milgihii iyo midnimo qaran oo lagu kalsoon yahay.
Alleh ayaa mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London