Madaxweyne Gaas oo Jawaab ka bixiyay eedo ay u jeediyeen gudidda la socodka xanaabada Hubka Soomaaliya
London Oct 25,2014(SDN/QJ)-Madaxweymaha maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa jawaab adag ka bixiyay eedo culus oo ay u soo jeediyeen Gudidda la socodka cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya.
Gudiddan oo u warbixisa Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in maamulka Puntland khaasatan Madaxweyne Gaas uu is hortaagay qorsheyaal lagu xakameynayo kooxda Al Shabaab ee ku dhuumaaleysata degaanada Puntland.
Madaxweynaha Puntland oo u waramayay Idaacadda BBCda ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa:
“Eedeyntaasi waxaan dhihi karaa waa mid aan waxba ka jirin, xiriir lama lihi Burcad badeed, falkii ugu dambeeyay ee Burcadbadeeda ee ka dhaca waxa uu dhacay bishii May 2012, xilligaa aniga madaxweyne ma ahayn, dhinaca la dagaalanka argagaxisada waxaan kula dagaalameynaa buuraha, askartayda ayaa ku dhimanaysa buuraha Gal-gala, waa eedeymo aan waxba ka jirin, fiiri waan la shaqeynaa kooxda la socodka xayiraadda ee hubka saaran Soomaaliya, waxay na weydiistaan inaan la shaqeyno, waana u faah faahinaa wixii ay na weydiiyaan. waxay igu yiraahdeen, waxaan rabnaa inaan ku areysano ee Dubai imaaw, waan ka diiday sababtoo ah, maxaan ka doonayaa Dubai”
SDN/QJ-London