|

Masuul Hore Ugu Tirsanaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Xabsiga Ku Dhexgaraacay Maxbuus ay Wasiir Xirsi Ehel Yihiin

Hageysa:Oct,25,2014(SDN/QJ)-Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ah Wasiir-ku-xigeenkii hore ee amniga wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa la sheegay inuu shalay xabsiga dhexdiisa ku garaacay Maxbuus kale oo ay ehelo dhaw yihiin wasiirka Madaxtooyada somaliland.

cabdilaahi abokorSida ay sheegayaan wararka laga Helay xarunta Jeelka weyn ee Magaalada Hargeysa, waxa uu Wasiirkan hore ee Haatan Maxbuuska ahi u geystay khasaare kala duwan, waxana uu dagaalkoodu ka Bilaabmay Hadalo ay is weydaarsadeen kahor intii aanay gacanta is weydaarsan.

Wasiir ku-xigeenkii Amniga C/laahi Abokor ayaa lagu waramayaa in uu Maxbuuskan Dilay isagoo la hurda Qolka uu xabsiga kaga jiro, halkaas oo la sheegay inay ku wada xidhnaayeen, waxaanu garaacista Maxbuuska u adeegsaday Falaasado Shaah.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu qabo Maxbuuskan lagu dhex Dilay Jeelku, hase yeeshee ilo wareedyo la socday dhacdadan ayaa sheegay in loola cararay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa si loo daweeyo.

Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga C/laahi Abokor ayaa muddo dhawr bilood ah ku xidhnaa xabsiga, waxaanay Maxkamadda Gobolku Dacwadiisa u dirtay go’aan, kadib markii ay dhamaystirtay dhagaysigeeda.

Maxbuuska kale ee uu dhaawacay ayaa ku xidhnaa in muddo ah magaaladda Burco, hase yeeshee waxa dhawaan loo soo wareejiyey Xabsiga Hargeysa, halkaas oo lagula xidhay Wasiir ku-xigeenkii Amniga qolkiisa.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed