Golaha Ammaanka Oo Somalia Ka Codsaday Inay Soo Gudbiso Tirada Hubka Gacanteeda Soo Galay Muddooyinkan Dambe
New York:Oct,25,2014(SDN/QJ)-Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa soo saaray Qaraar ay Dawladda somalia kaga codsanayaan inay soo Gudbiso warbixin faahfaahsan oo ay ku iftiiminayso tirada Hubka Gacanteeda soo galay Muddooyinkii Cuno-qabaytaynta la khafiifiyey.
Golaha ammaanka ayaa sidoo kale la sheegay inay qaraarkaas ku dareen Muddo-kordhin loo sameeyo Ciidamada AMISOM, waxana arrintaas looga Gol leeyahay sidii nabadda somalia kasoo ifaysaa ay u noqon lahayd mid cago adag ku taagan.
Sida ay Qorayso Wakaalada wararka ee AFP, Waxa Dawladda Somalia loogu Baaqay inay Golaha Ammaanka horkeento warbixin Hufan oo la xidhiidha Hubkaas ay gacanteeda kusoo wareejisay muddadaas ay cuno qabatayntu fududaatay.
Sidoo kale qaraarkan oo ay soo diyaarisay dowlad Britain ayaa waxaa ugu baaqayaa dowlada Soomaaliya in ay warbixin ka keento hubka ay haysato,sida ay u isticmaasho sanad walba laba jeer bilaha March iyo September.
Qaraarka ayaa waxa uu fasaxayaa muddo 12 bilood ah in la baadhi karo maraakiibta loogaga shaki qabo in ay jebinayaan cunoqabataynta.
Qaraarkan ayaa soo baxaya xilli dhowaan golaha ammaanka ee QM ay u gudbiyeen guddiga dabagalka cunoqabataynta hubka ee wadamada Soomaaliya iyo Eriterea.
Guddigan ayaa ku eedeeyay dowlada Soomaaliya in hubkii ay keensatay ay qaar ka mid ah gacanta u galeen ururka Alshabaab isla markaana lagu arkay suuqyo hubka lagu iibiyo ee magaalada Muqdisho.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com