Guddoomiye Cirro Oo Markale U Maahmaahay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Doco-docayn Ku Haysa Xilka Uu Qaranka U Hayo
Hargeysa:Oct,24,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) oo maanta dalka dib ugu soo noqday, ayaa ka Hadlay Duufaannada mucaaradeed ee xukuumadu kusoo dhextuurtay Golaha uu Guddoomiyaha ka Yahay.
Guddoomiye Cirro oo saxaafadda wax ka weydiisay Aragtidiisa ku aaddan Xubno Golihiisa kamid ah oo dhawaan ku Gooddiyey inay xilka ka qaadi doonaan, ayaa yaraystay tamarta kooxdaas madaxtooyadu taageersan tahay, waxana uu ku baaqay inay Kooxahaasi wax hubsadaan oo aanay degdegin.
Mudane cirro waxa uu sheegay inuu ka culus yahay nin loogu hanjabo xilka qaadis aan sabab lahayn iyo waxyaabo lamid ah, isagoo sidii caadadu u ahayd maahmaah Macno badan ku fadhida Si dadban hawada ugu mariyey Cidkasta oo damac kaga jiro Kursiga uu muddada ku fadhiyey ee Wakiillada,
“Ma Didee Hargoolow Ha Iitumin Durbaanada iyo Daasadaha Madhan.” Ayuu Maanta Guddoomiye Cirro ugu maahmaahay Kooxda Doonaysa inay xilkiisa Hungurayso.
Guddoomiye Ciro waxa uu sheegay inay si qabow wax u dhamaysan doonaan KHilaafka Golaha ka dhex aloosan, isagoo tilmaamay, maadaama uu khabiir ku yahay xallinta khilaafyadan oo kale.
SDN/QJ