|

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Ayaa ka Warbixiyey shirkad cusub oo shidal badhis ka bilaabaysa deeganka baki ee gobalka Awdal Kana hadlay cabsho Dadka Degankasi Dagani Ka Muujiye Badhistaa Shidalka

gasamime macdan

Hargeisa 11/oc /2014(SDN/QJ)Agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland Siciid Axmed Jibriil ayaa jawaab ka bixiyey hadalo dhawaanahan ka soo yeedhayey dadka deegaanka Baki ee gobolka Awdal oo laga bilaabay hawlo dhinaca macdan baadhis ah.
Agaaismaha guud ee wasaarada macdanta oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegay inaanay jirin wax hawlo macdan baadhis ah oo laga bilaabay deegaankaasi, balse ay shirkad laga leeyahay wadanka Chine ka bilawday sahamin dhinaca macdanta ah.
Ugu horayn agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland oo ka hadlaya eedaymaha loo soo jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxaanu
Agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland Siciid Axmed Jibriil oo ka hadlaya sidii ay shirkadani sidii ay shirkad laga leeyahay wadanka Chine ku bilawday hawlaha sahaminta macdanta ayaa waxa uu yidhi “Shirkadan Chinese-ka ah waxa la yidhaa ARC (African Resource Company) mudo badan ayaanu dagaanaa wadanka, mudadaasna waxa uu ka shaqaynayey hawlo ganacsi oo u gaar ah iyo inuu dadkeena macdan qodayaasha ah ka iibsado waxyaalaha yar yar ee ay meelahaas ka qodaan dabadeedna uu dhoofiyo, wasaaradu markii ay hawlahaas ogaatay waxay la xidhiidhay shirkadan, waxaanay shirkadani soo bandhigtay inuu xiisaynayo inuu wadanka macdan ka soo saaro, waxaanay wasaaradu ogolaatay inuu sameeyo sanadkii 2013-kii qodaal xadidan, qodaalkaas oo uu ku ogaanayo nooca macdanta iyo kaydka macdanta ee meeshaas ku jiro, meesha laga qodayaana waa meesha la yidhaa Caduurada,sidaas ayaanu company-gu ku yimid dalka sidaas ayaanu ku bilaabay hawsha mudo sanad ahna wuu waday.”
Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland waxa uu ka waramay shirkad ka caawisay daraasad laga sameeyey dhibaatada ay macdanta laga qoodayo degmada Baki ku keeni karto deegaanka iyo sida looga gaashaamanayo waxaanu yidhi “Company wadanka caan ka ah oo markii sadexaad wadanka ka sameeyey Environmental Impact Assesment oo degan wadanka Kenya wadankana si fiican looga yaqaano lana shaqeeya shirkadaha Genal Energy, DNO iyo Rag Gas ayaa wadanka yimid waxaanu sameeyey warbixin ka kooban 170 bog ah, waxaana ku jiro sida looga gaashaamanayo, sida looga ilaalinayo deegaanka, nooca ay macdantu tahay,habka loo qodayo iyo qalabka ay shaqaaluhu gashanayaan, markii ay wasaaradu intaas soo diyaarisay ayey dib ula bilawday wada hadalkii Company-ga Chinese-ka ah ee ARC ilaa hadana ma jiro wax qodaal ah oo laga wado meeshii, mana jiro wax heshiis ah oo lala galay shirkadaas oo la saxeexayna ma jiro laakiin waxa jira wada hadal u socda wasaarada iyo shirkadaas oo gaba gabo ku dhaw, waxaana la filayaa in ugu danbayn bishan October uu dhamaado heshiiskani iyada oo waliba la raacayo talaabooyinka ku haboon sidii loo badbaadin lahaa deegaanka,dadka iyo sidii looga faa,iidi lahaa, intaas ka dibna wasaaradu waxay bilawday wacyi gelin, waxani halka ay ka yimadaana wasaarada ayaa dadka u sheegtay wasaarada ayaana ku war gelisay dhibaatada ay leedahay macdanta meesha laga qodayo waxaana lagu war geliyey inaan waxba laga qaban doonin ilaa la helo sida looga gaashaamanayo.”
Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland waxa uu ka waramay qodobo muhiim ah oo ay isla qaateen shirkadan baadhaysa macdanta kuwaas oo lagu ilaalinayo deegaanka “Arinbaa jirta mar walba la soo qaadayo waana arinta in lagu burburiyo deegaanka marka la soo saaro dhagaxan Prelium-ka, taasna wasaaradu sinaba uma ogola heshiiskana way ku jirtaa, shirkadanu way ogolaatay inaanay ku burburin deegaanka marka la soo saarana isaga oo sidiisa ah ayaa laga dhoofinayaa wadanka, ma ogolaanayno hore-na umaanaan ogolayn in lagu dhex burburiyo wadanka gudihiisa, waxa kale oo aanaan ogolaanayn in godad laga sameeyo macdanta dabadeedna macdan qodayaashu ay galaan gododkaas oo ay ka qodaan balse waa in godadka macdanta laga qodayaa ka furnaadaan dusha, waxa kale oo aanan ogolaanayn in qof iska socdaa inuu goobaha macdanta tago isaga oo aan sidan qalabka ka ilaalinaya dhibaatada macdanta, wasaaradu waxay hore u qaaday imikana qaadaysaa wacyi gelin taas oo ka turjumaysa khayraadka in dadka loo sheego, dhibta uu keeni karo iyo sida looga faa,iidaysto, waxaanan dadka somaliland u sheegayaa inay iska ilaaliyaan afmiishaarka iyo cida sidan xun wax u sheegaysa.”ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland
Hargeisa SDN/QJ
Concat@Somalidiasporanews.com

Comments are closed