|

Yuu Matalaa? Yuu Wax Taraa? Qeybtii 2aad

Maamulka iyo hogaaminta hay’ad qaran oo miisaankan leh ma aha wax fudud oo uu qof waliba kari karo inuu socodsiiyo hawlaheeda. Waxa la arkaa in dadka qaar ku fashilmaan xilkii loo igmaday. Hasa ahaatee waxaa lagu kala duwan yahay sida loo balaadhiyo fikirka ee loo urursado talada iyo aragtiyaha.

Marka aan hoos ugu daadego nuxurka aaraarta oo ah in wasiirkii warfaafinta, wacyigalinta iyo dhaqanka. Bal u fiirso masuuliyadaha is dul barkan haddii wasiirkani aanu lahayn awoodii hogaamineed iyo kabasitigii uu wax ku maamuli lahaa  waxa uu u baahan yahay in uu wax dhageysto oo uu dadka xirfadlayaasha ah ee waayo araga ah shirar u qabto. Halkaasna ay ka soo baxaan qorshe howleedyo leh istaraatiji aqoon ku dhisan oo horseedi kara horumar la taaban karo oo ay ku talaabsato wasaaradda warfaafintu.

Masuulkan isagoo aan lahayn awoodii uu hogaan fiican oo tusaale ah ku noqon lahaa ayuu haddana ku sifoobay nin aan waxba dhageysan oo mar walba diiqadeysan. Waxa kale oo uu adeegsaday dariiq xun oo uu horseed ugu noqdo iska horkeen, khilaaf abuur, buuq kicin iyo xiisad aan go’ayn oo uu wasaarada kula dhex dhacay.

Taas oo ay cid waliba ogeyd sidii uu u kala qeybiyay shaqaalihii wasaarada halkii uu ka mideyn lahaa.

Taasina waxa ay ragaadisay geedi socodkii horumarineed ee wasaarada.

Wasiirkan ma fahamsana xilkiisu inuu yahay horumar ay sameyso wasaaraddiisa oo ah wasaarada qaranka u qaabilsan in inay jiheyso, wacyi galiso oo horumar ku hanuuniso bulshada. Guud ahaan saxaafaddana u abuurto xeer haboon oo lagu dhaqo.

Balse waxa uu ku dedaalay waxyaabo uu colaad iyo mucaarad ugu abuuro xukuumada.

 

Taas waxa aan ku cadeynayaa mid aniga shaqsiyan igala kulantay oo ka mid ah waxyaabihii uu wasiirkani igu maagay xaqeygiina ku duudsiyay.

Waxa ay ahayd markii uu qaar ka mida xaafadaha Hargeysa ka dhacay mudaharaad ay dadku kaga cabanayeen booyadaha biyaha dhaamiya oo shaqo joojin ka sameeyay cashuuro ay wasaarada maaliyadu ku soo rogtay.

Banaan baxyadaas waxa aan ka mid ahaa dadkii iskood isu xilqaamay sidii ay u joojin lahaayeen.

Markii xaaladii ay dhamaatay waxa aan wax ka qoray dhacdadii mudaharaadka.

Taas oo aan barbar dhigay maalintii ay isla xaafadahaasi ka banaan baxeen RIIGII biyaha waqtigii Daahir Rayaale oo aan isbarbar dhig ku sameeyay habkii loo adeegsaday xakamayntii rabshadahaasi.

Maalintaasi waxaan xasuusnaa in khasaare aad u balaadhan uu jiray oo si axmaqnimo ah dad biyo doonaaya loogu adeegsaday Zuug dhimasho iyo dhaawac badan sababay.

 

Markaa waxaan kahadlay sida masuuliyiintii dadkan matalayay maalintaa aan loogu arag goobtaa. Waxaa sharaf badan aan ku siiyay qoraalkeygaasi. Wasiirka Arimaha gudaha mudane Cali Maxamed Warancade oo isagu si geesinimo leh u soo dhex istaagay goobtii ay rabshaduhu ka socdeen si odaynimo ah oo madaxaxnimo ah oo walalnimo ahna waan waan u galay, arrintiina soo af-jaray.

 

Waa wax mudan in lagu faaniyo qof shaqo fiican qabtay. Waxa kale oo aan aad ugu amaanay qormadeydii waqtigaasi masuuliyiintii ciidamada nabad galyada oo uu ugu horeeyo taliyaha ciidamada booliska Somaliland Sareeye guuto:

C/aahi Fadal Iimaan oo tudhaale badan muujiyay si ay ula tacaalaan rabshadihii.

Waxa aan abaabulay in waxgaradkii iyo bulshada xaafadahaasi qabtaan shirar ay ku cadeynayaan inaan banaanbuxu ahayn mid mucaarad iyo siyaasad shaqo ku leh. Una mahadnaqaan xukuumada iyo masuuliyiintii sida xklkasnimada leh uga damqaday………………..

 

Lasoco qeybaha dambe

 

By: Sakaria Abdi Sulub

Senior journalist

Email: sekriasulub@gmail.com

Mob: +252 63-441-3932

Comments are closed