|

Ciidamada Jabuuti oo fashiliyay Qara loogu talogalay in lala beegsado faras magaalaha casiimada

Jabuuti Oct 11,2014(SDN/QJ)-Ciidamada dalka Jabuuti ayaa la arkayay iyaga oo suuwa Riyaad ee caasimada dalkaasi ku dul xoonsan shadad walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Shacabka halkaa ka adeeganayay oo ka shakiyay shandada ayaa u yeeray ciidamada oo isla markiiba xaqiiijiyay in halkaasi yiileen walxaha qarxa.

Ma cada cida shandada halkaa dhigtay iyo cida lala beegsanayay ee markaasi la damacsanaa in la waxyeeleeyo.

Ma aha markii u horeysay ee qarax lala beegsado ama laga fuliyo dalka Jabuuti, hore waxa ay shabaabka Soomaaliya u sheegteen weerar laga fuliyay goob ay ku caweeyeen ciidamada shisheeye ee Jabuuti u jooga hawlgalada ka dhanka ah waxa qarbigu u bixiyiin argegixisada.

Dhwaan ayay aheyd kolkii ay dalalka reer Galbeedku sheegeen in muwaadiniintoodi aanay booqan qaar ka mida degaanada dalka Jabuuti oo ay sheegeen in aney amaan aheyn.

SDN/QJ-Jabuuti

contact@qurbejoog.com

Comments are closed