|

Cudurka Ebolaha Oo Tirada U Dhimatay ay Sii Cago-cagaynayso Ilaa iyo 4000-Qof

New York:Oct,11,2014(SDN/QJ)-Wararkii ugu dambeeyey ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadku kasoo saartay Heerka uu marayo dhimashada Cufurka Ebola, ayaa sheegaya in tiradaasi ay sii kordhayso, isla-markaana Kor u dhaaftay ilaa Afar kun oo qof.

ebo8Tiradan ugu dambeysay ee haatan la shaaciyay ayaa intooda badan waxaa ay dadku ku dhinteen wadamada Guinea,Liberia iyo Sierra Leone ee Galbeedka qaarada Afrika.

Guud ahaan tirada dadka uu cudurkan ku dhacay ayaa gaadhay 8,399 kuwaasoo intooda badan ay yihiin wadamo ku yaal Galbeedka Afrika. Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in 233 shaqaale caafimaad ah oo ka shaqeynayay Galbeedka Afrika ay u dhinteen cudurkan Ebolaha.

Gabadh kalkaaliso caafimaad ah oo uu cudurkan ku dhacay ayaa lagu daweynayaa dalka Spain kadib markii ay ka qaaday cudurkan qof uu ku dhacay oo ka soo laabtay dalka Liberia.

Dalka Liberia ayaa ah dalka ugu badan ee uu cudurkan saameynta ku yeeshay iyadoo ay cudurkan u dhinteen 2,316.

Teresa Romero oo ah kalkaalisada lagu daweynayo magaalad Madrid ayaa xaaladeedu ay liidataa iyadoo sidoo kale toddoba ruux oo ku nool magaalada Madrid xaaladooda caafimaad la kontratoolayo sababtoo ah waxay xidhiidh la sameeyeen Teresa Romero.

Magaalo madaxda dalka Guinea ee Conakry ayaa cudurkan ay sii kordheysaa dadka uu soo ridanayo iyadoo ay burburtay rajo laga qabay in cudurkan laga cidhibtiro magaalada Conakary.

Hase yeeshee dalka Mali ayaa laga bilaabay tijaabadii ugu horeysay ee tallaalka cudurkan waxaana tijaabadan lagu sameeyay qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee dalka Guinea.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed