Wardeg dega: Wariye Cabdixakiim Cadaani oo Ay Weerareen Qaar ka mid ah Taageerayaasha Wasiir ka Madaxtoyada Xirsi iyo Dagaal Ku Dhexmaray Masijdka Allhuda gudahisa
London11Oct(QJ/SDN) Kooxo Taageersan isla markaana la Hayb ah Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Xaaji Cali ayaa Weerar ku eekeeyay Wariye CabdiXakiim Cadaani oo dagan Magalaalada London,Dagaalka ay ku soo qaadeen Taageerayaasha Wasiir ka Madaxtooyada Xirsi ayaa ah mid daba socday Warbixin ay dhawaan Hadhwanaag ka qortay WasiirkaMadaxtooyada taas oo si weyn uga Cadhaysiisay Wasiirka iyoTaageerayaashiisaba Maalinimadii shalay ayaa waxa ka dhacday arin uguba oo ay aad ugawada nexeen dhamaan musuliinta Masaajidka Alhuda ee ku yaal Xaafada tepney Green ee Bariga London, ka dib markii nin lagu magacaabo Jaamac Abokor uu Dagaal gaadmo ah ku soo qaaday Maxamud Qoorgaab Xili uu Mu’adinka Masaajidku Salaadda Duhur Aqiimayay.Weerar kan ayaa sidoo kale waxa uu ku socday Wariye Cadaani oo ay Saaxiibo dhaw yihiin Maxamuud Qoorgaab , in kasta oo Wariye Cadaani aanu goobtaa ku sugnayn.Dhinaca kale Taageerayaasha Wasiirka madaxtooyada Xirsi ayaa isugu Habar wacday Wariye Cadaani iyadoo sida la og yahayna ay Towerhamlet tahay meelahaay taageerayaasha xirisi Ku xoogan yihiin.Sidoo kale Wariye Cadaani ayaa war galiyay Police-ka Degmada TowerHamlet halista ka soo Waajihi karta Kooxaha Taageersan Wasiir Xirsi.Qurbejoognews oo isku dayday in ay wax ka waydiiso arimahan aanu kor kusoo xusnay Mr Cadaani, ayaanu ugu horayn waydiinay , Waxa ka jira qoraalka ay Sida weyn uga Cadhoodeen Taageerayaasha Wasiir Xirsi.Waxana uu Hadalkiisa ku Bilaabay Waa u mahad naqayaa Shabakadda Qurbejoognews,Runtii Waa la dhib sankaraa War bixin la qoray waana laga Caban karaa, hase ahaatee Waddo loo maro ayay leedahay Cabashadu, ayuu hadalkiisa kusoo koobay. Waxa kale oo aanu waydiinay Maadaama uu ku nool yahay Dagmo ay Ku badan yihiin Taageerayaasha Xukuumadda Xisbiga Kulmiye isna lagu Tiriyo Wariyayaasha Mucaaradka ah, Waxa uu ku Jawaabay,Xaqiiqatan anuu isuma Arko inaan ahay Mucaarad,hase ahaatee Waxaan aaminsanahay oo aan ku niyad samahay in Wixii jira la sheego .Gebo Gabadii waxa ka socda Bariga Magaalada London Shirar lagaga arin sanayo arimahan ku soo kordhay Bariga London oo siweyn u kala qaybiyay Bulshada Bariga London.
Qurbejoognews London.