Madaxweynaha Somaliland Oo U Dhoofay Britain iyo Ujeeddada Socdaalkiisa
Hargeysa:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo iyo Wafti uu Hoggaaminayo, ayaa Maanta safar shaqo ugu amba baxay dalka Britain oo uu muddo kooban ku maqnaan doono.
Mudane Siilaanyo, ayaa intaanu dhoofin, waxa uu qolka VIP-da kula Hadlay saxaafadda, waxana uu ujeeddada safarkiisa ku sheegay inuu shir arrimaha Ganacsiga ah oo dhawaan Somaliland loogu qaban doono Magaalada London uu ka qaybgeli doono.
Shirkan oo ay waddo Dawladda Britain, ayaa looga Gol leeyahay sidii indhaha dadka jeebkoodu buuran yahay loogu baraarujiyo fursadaha ganacsi eek a bannaan gudaha Somaliland.
Shirkan oo bilowga Toddobaadkan soo socda ka Furmaya London, ayaa wax aka qaybgelayo ganacsato caalami ah oo ka kala socota dalal kala duwan iyo qaar u dhashay Somaliland, waxana lagu sharraxi doonaa fursadaha maalgashi eek a bannaan Gudaha dalka Somaliland.
Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxa ku wehelinayey wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Qorshaynta, iyadoo Haweenaydiisuna ay la socotay, waxana Dalka Ethiopia kasii raaci doona Wasiiro badan oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradda Arrimaha Dibadda, Ganacsiga, Macdanta iyo xubno kale oo xukuumaddiisa katirsani.
Safarka Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu qaato Toddobaad, waxana la filayaa inuu dalka dib ugu soo laaban doono.
SDN/QJ