Wasiir Bayle Oo Dhaqaale Darro Al-baabada Ugu Laabay 9-Safaaradood Oo Somalia Ku Lahayd Dalalka Dibadda
Muqdisho:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga ee Somalia ayaa shaaciyey inay Go’aansatay Wasaaraddiisu inay Al-baabada u laabto Sagaal Safaaradood oo Dawladdu ku lahayd Dalal dibadda ah Dhibaato dhaqaale darteed.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Go’aankan uu yimid markii ay Golaha Wasiiradu isku raaceen in Saafaradaha Soomaaliya ee Caalamka lagu soo koobo kuwa Shaqeeya 31 Safaaradood oo ku yaalla dalalka ay Danaha gaarka kala dhaaxeeyo DFS.
Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in Xidhitaanka Safaaradaha ay xidheen sabab u tahay inaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya bixin karin Kharashaadka faraha badan ee ku baxa adeegyada Safaaradahaas iyo Shaqaalaha ka shaqeeya.
Safaaradaha la xidhay Dalalka ay ku yaaalaan:
Germany, Malaysia, Indonesia, Syria, Libya, Tanzania, Burundi, Rwandan, South Sudan.
Xukuumadda Federaalka waxa ay sheegtay in Safiiradda 31 Safaaradood ee shaqeynaya lagu qeybin doono Qaabka ay Dowladda Federaalka ku dhisantahay ee ah (4.5), Afar Beelood & Badh.
SDN/QJ