Somalia:Shirkii Golaha Wasiirrada Ee Shalay Oo Lagu Ansixiyey Heshiis Wada-shaqayneed Oo ay Yeelan Doonaan Golayaasha Baarlamaanka Iyo Xukuumaddu
Mogadishu:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirrada Dawladda Federalka somalia ay shalay yeesheen, ayaa lagu meelmariyey heshiis wada-shaqayneed oo ay yeeshaan Golayaasha Xukuumadda iyo waliba midka Baarlamaanka Somalia oo inta Badan isku dhac dhexdooda ahi iman jirey.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in heshiiskan looga golleeyahay in la isla meeldhigo barnaamij sharci-dejinneed oo hortabinta leh, si labada dhinac u fuliyaan hawlaha loo kala muddeeyeyna lagu dhammaystiro.
“Heshiiskan wuxuu qeexayaa isfahamka u dhexeeya Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan sharci dejinta hortebinta u leh kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo tayeynta hawlqabad-dawladeed hufan oo ka jawaabaya u adeeggida danaha guud ee dadweynaha” ayuu yidhi R.W Cabdiweli.
Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo Saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in shirka golaha Wasiirrada warbixin ku aadan amniga guud ee dalka laga dhageystay Wasaarrada Amniga Qaranka, isla markaana lagu meel-mariyay hindise sharciyeedka Khayraadka Biyaha oo dhawaan la horkeenay golaha Wasiirrada si ay uga doodaan.
“Kulankii galabta ee golaha Wasiirada waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo dadaalada ay Xukuumaddu wado ee la xiriira amniga iyo howlgallada ka socda gobollada dalka, sidoo kalana waxaa laga dooday shuruuc dhowr ah oo golaha horyaalla, waxaana la meelmariyay hindise sharciyeedka Khayraadka Biyaha” ayuu yidhi Afhayeenka Xukuumadda Ridwan Xaji Cabdiweli.
Ugu danbeyn, Afhayeenka ayaa sheegay in 45-tii cisho ee Xukuumaddu u qabatay in ay isku soo dhiibaan si ay u helaan cafis dhalinyarada la qalday ee u dagaallamaya Al-shabaab ay ka faa’iidaysteen 503 maleyshiyaad, sidoo kalana ay Xukuumadda wada hadal kula jirto 153 kale oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com