Magaalada Kobane Oo Qarka u Saaran inay Ku Dhacdo Gacanta Kooxda ISIS
Kabone:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Inkastoo ay Maraykanka iyo Isbahaysigiisu wadaan duqaymo ka dhan ah Kooxda Daacish, haddana waxa soo Baxaya warar sheegaya inay Kooxdu kaabiga ku Hayso Magaalada Istaraatiijiga ah ee KABONE.
Sarkaal ka tirsan maamulka deegaanka Magaaladu ku taallo, ayaa sheegaya in IS ay xooga soo saareyso, isla markaana ay weeraro rogaal celin ku soo qaadeyso magaalada Kobane oo u dhow xuduuda Turkiga.
Warar soo baxayay gelinkii hore ee shalay ayaa sheegayay in maleeshiyaadka ISIS ay koontaralayaan qeybta saddexaad ee magaalada Kobane ee xuduuda Turkiga iyo Suuriya u dhow.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in aanay suura gal aheyn inay dagaal dhulka ah ay la galaan ISIS, iyadoo kooxdan ay ku soo dhowaaneyso xuduuda ay la wadaagto Suuriya.
Mareykanka ayaa goor sii horeysay sheegay in duqeyn cirka kaliya aan looga adkaan karin ISIS oo wali gacanta ku haya qeybo badan oo ka tirsan Ciraaq iyo Suuriya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com