Xisbiga Waddani oo gudbiyay bedelka xubintii lagu celiyay ee ay u xuleen Komishanka cusub ee Doorashooyinka Somaliland
Hargeysa October, 9 2014 (SDN)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa la sheegay inuu maanta gudbiyay xubinta ay u xuleen Guddiga cusub ee Doorashooyinka Somaliland, kadib markii laba jeer Madaxweynuhu ku celiyay Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ay hore usoo magacaabeen.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan kasoo baxay xisbiga Waddani iyo Madaxtooyada midkoodna, haddana siday ilo xogogaal ahi u sheegeen shabakadda wararka ee Qurbejoog.com/Somalidiasporanews.com, xisbigu wuxuu Khamiista maanta gudbiyay xubintooda Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kadib diidmada Madaxweynaha ee xubintii hore oo buuxin waayay shuruudaha xeerku jideeyay.
Warku wuxuu intaa ku daray, in guddoomiyaha xisbiga Waddani, ahna guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu Madaxweynaha u gudbiyay xubinta ay kusoo bedeleen Dr. Fadal, iyadoo sida la sheegay xisbigu xilkaas u xulay Mr. Cabdiraxmaan Cismaan Aaden.
Xubinta la sheegay in Waddani u xulay ka mid noqoshada todobada xubnood ee Komishanka cusub ee Doorashooyinka Somaliland, waxa uu mar Wasiiru-dawle ka noqday xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, kahor intii aan xukunka lagaga helin doorashadii 2010.
Inkastoo ilo-wareedyadaasi sidaa tibaaxeen, haddana shabakadda Qurbejoog.com, uma suurtogelin inay gudbinta xubintaas cusub ka xaqiijiso dhinaca masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, kaasoo guddoomiyahoodu uu shalay si adag u naqdiyay, isla markaana sharcidaro ku tilmaamay soo-celintii Madaxweynuhu ku sameeyay xubintii hore ee ay soo magacaabeen oo ahaa Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo laftiisu naqdiyay go’aanka Madaxweyne Siilaanyo.
Qurbejoog.com, Hargeysa