Ciidamo Nabadsugid ah Oo Markii u Horaysay la Geeyey Magaalada Baraawe
Barawe:Oct,09,2014(SDN/QJ)-Dawladda Somalia, ayaa Go’aan ku gaadhay inay Ciidamo Bolis iyo Nabadsugid iskugu jira Geysay Gudaha Magaalada Barawe oo dhawaan soo gashay gacanta dawladda.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in ciidamadan la geynayo ay yihiin kuwo ka qeyb qaadanaya sugida amniga, waxaana uu cadeeyay inuu socdo qorshe ku aadan sidii ciidamada milateriga loogaga saari lahaa gudaha magaalada.
“Ciidamo Boolis ah iyo Nabadsugid ayaa dhowaan la keeni doonaa magaalada, waxayna sugi doonaa ammaanka magaalada, waxaana socda qorshe ah sidii ciidamo deegaanka looga qori lahaa, waayo deegaan walba dadkeeda inay is xukumaan ayuu Federaalka dhigayaa”ayuu yidhi C/qaadir Siidii oo warbaahinta la hadlay.
Waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay ku sugan yihiin daafaha magaalada iyo jidadka laga soo galo Baraawe, waxaana uu tilmaamay in ciidamo milateri ay joogaan saldhiga magaalada, kuwaasoo uu xusay in dhowaan laga saari doono.
“AMISOM waxay degan tahay daafaha magaalada iyo jidadka laga soo galo Baraawe, ciidamo Milateri ayaa jooga kaliya saldhiga, kuwaas waa laga saari doonaa, sida la socotaa wuxuu Taliyaha Booliska sheegay in saldhig walba laga qori doono 35 askari”ayuu yidhi Mr Siidii.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee fuliya howl galada qorsheysan ay ku wajahan yihiin magaalada, si ay u fuliyaan howl galada, sida caadada ah marka Al-Shabaab laga saaro degmo.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa axadii la soo dhaafay ka qabsaday Al-Shabaab magaalada Baraawe oo ah magaalo istiraatiiji ah oo leh deked macmal ah, waxaana Shabaab ay ka talinayeen muddo lix sano ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com