|

Suxufiyiinta Ku Xidhan Muqdisho Oo Booqashadooda Laga Soo Saaray Awaamiir Culus

Muqdisho:Oct,09,2014(SDN/QJ)-Wasaaradda Garsoorka Somalia, ayaa awaamiir cusub kasoo saartay Booqashooyinka loogu tegayo saxafiyiinta ku xidhan Magaalada Muqdisho oo aan wali wax xukun ahi ku dhicin.

jiniWasaarada Garsoorka, ayaa waxay Taliska Ciidanka Asluubta oo Maamula Xabsiga Dhexe u gudbisay qoraal, ay ku cadeyneyso inaanay Suxufiyiintu Xabsiga Dhexe ku soo booqan karin wax ka baxsan eheladooda.

Wasaaradu, ayaa waxay kaloo qoraalka ku xustay in Siyaasiyiinta iyo Suxufiyiinta dooneysa inay Xabsiga Dhexe ku booqato Wariye-yaasha ku xidhan, looga baahan yahay inay warqado ka soo qaataan Xeer Ilaalinta.

Tallaabadan ayaa waxay ka dambeysay markii Siyaasiyiin iyo Suxufiyiin ay Xabsiga Dhexe ee Xamar ku booqdeen afarta Suxufi ee Dowladda u xidhan, iyagoona muujiyay in xaalad adag ay ku sugan yihiin.

Siyaasiyiinta kala ah Cali Maxamed Nuux (Timajilac) iyo C/laahi Sheekh Xasan oo Axadii Xabsiga Dhexe ku booqday Suxufiyiinta, ayaa waxay walaac ka muujiyeen nolosha ay ku sugan yihiin, waxayna Warbaahinta gudaha u sheegeen in Cadaalad daro ay ku xidhan yihiin.

Nabad Suggida oo ka cadhootay arrinta ku aadan in Siyaasiyiintu ka hadasho xadhiga Suxufiyiinta, ayaa waxay taasi keentay inay xabsiga u taxaabaan Siyaasiga Cali Maxamed Nuux (Timajilac), iyagoona Khamiista Maanta  ah ballamiyay Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan.

C/laahi Sheekh Xasan, ayaa qareenkiisa u sheegay haddii la xidho, in lagu xidhay oo kaliya xaqdarada ay ku xidhan yihiin Suxufiyiinta u xidhan Dowladda Federalka ee Somaliya.

Suxufiyiintaan, ayaa saddex ka mid ah waxaa Xabsiga Dhexe loo wareejiyay muddo bil laga jooggo, iyadoo midka afaraadna laba toddobaad ka hor loo wareejiyay, markii laga soo saaray Xabsiga Godka Jilacow ee Degmada Boondheere.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed