Ciidanka Ammaanka Finland Oo Xabsiga Dhigay Dhallinyaro Looga Shakisan yahay Inay Al-shabaab Xidhiidh la lahaayeen Al-shabaab
Helsinki:Oct,09,2014(SDN/QJ)-War Kasoo Baxay Laamaha Ammaanka ee Dalka Finland, ayaa sheegaya in saddex N in oo dhalashada wadankaas haystaa maalintii salaasadii loo xidhay shaki dhinaca argagixisada ah.
Xaafiiska Baadhista Dalka Norway ee Loo yaqaano NBI, ayaa sheegay ragas la xidhay markii la helay xogo rasmi ah oo loo soo gudbiyay hay’adaha Wardoonka. Waxaaney ka gaabsadeen inay faahfaahin kale bixiyaan.
Warbixin kooban oo ay soo saareen laamaha Ammaanka ayaa lagu muujiyay in aan lagu caddeyn Karin haddii raggaasi ay wadashaqeyn la lahaayeen afar qof oo loo maxkamadeynayo taageero-maaliyadeed oo ay Al-Shabab siin jireen. Kuwaasoo loo madlanyahay inay bisha danbe ka soo muuqdaan maxkamadda magaalada Helsink. Iyo haddii kale.
Waxa ay baliisku sheegeen in baadhitaanno lagu hayo saddexda nin marka la soo gebagabeeyana la soo bandhigi doono xogta rasmiga ah.
Dalka Findland waxa uu ka mid yahay wadamada qaaradda Yurub ee megangalyada siiyay qaxootiga Soomalida kadib bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com