|

Kooxda Daacish oo Dhegta Dhiiga u daray Alan Henning oo ahaa Samafale Gacantooda ku Jiray fariina u diray reer Galbeedka DAAWO

Baghdad 04.Oct 2014 (SDN/QJ)- Ururka argagixisada ee ISIS ayaa sheegay inay dileen Alan Henning oo ahaa la hayste u dhashey dalka Britain.

alan henningKooxda ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii Shalay soo bandhigtey video muujinaya iyagoo gowracaya Mr Henning. Cajaladda ayaa u qaab ekayd sidii kuwii hore ee ay kooxda ku sheegatey inay ku gowraceen saddex qof oo kale oo u dhashey dalalka reer galbeedka.

Video-ga uu soo bandhigey ururka ISIS ayaa lagu soo gabagabeeyey fariin loogu hanjabayo in la dili doono la hayste u dhashey Mareykanka oo magaciisa lagu sheegay Peter Kassig.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa xaqiijiyey in Kassig uu gacanta ugu jiro kooxdaasi argagixisada ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Britain ayaa sheegtay inay ku hawlan tahay xaqiijinta macluumaadka ku jira cajaladda. Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa bogga twitter-ka ku soo qorey fariin uu ku dhaleeceynayo waxa uu ugu yeerey dilka waxashnimada ah ee ISIS u geysatey Alan Henning. Waxaa uu tacsi u direy xaaska Mr Henning iyo carruurtii uu ka tegay.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa isna si xooggan u cambaareeyey waxa uu ugu yeeray dilka waxahnimada ah ee Mr Henning.

Falxumada lagu bireeyay Alan Henning waxaa la Wadaagay ,Haines oo isla Ingiriis  ah Steven Sotloff iyo James Foley, oo labadooduba ahaa Suxufiyiin Maraykan ah Kuwaas oo laga daawaday shaashadaha telifishannada iyagoo birtu ku rafanayso kurkooda.

Baghdad SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed