|

”Ciidanka Puntland meelkasta oo ay joogaan waxaan ku bogaadinaya Guulihii wanaagsanaa ee ay ka soo hoyeen la dagaalanka Burcad diimeedka” Madaxweynaha Punt land+SAWIRO

Garowe 04.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada dowladda Puntland gaar ahaan Garoonka Kubadda Cagta kula tukaday Salaadii Ciidul Adxaa Kumanaan Dadweyne ah .

 

Tukashada Salaada Ciida ayaa waxaa sidookale Goob joog ahaa Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ,Wasiiro , gudoomiyaha Baarlamaanka, Waxgarad ,isimo , Cuqaal, iyo dadweyne Badan .

 

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tukashada Salaada Ciida kahor lahadlay Dadwaynihii ku sugnaa Goobta,waxana uu u Hambalyeeyay dhamaan Umadda Muslimiinta ah meelkasta oo ay joogan.

 

”Waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan Umadda Muslimiinta ah,Umadda Puntland iyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay Ciid Mubaarak”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

 

”Ilaahay waxaan inooga baryayaa in ciidaan ciideeda kale uu nagu gaarsiiyo Nabad,Horumar,Wadajir iyo Alle kacabsi,waxana ilaahay ka rajaynayaa in uu noo aqbalo ”Ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

 

”Ciidanka Puntland meelkasta oo ay joogaan waxaan ku bogaadinaya Guulihii wanaagsanaa ee ay ka soo hoyeen la dagaalanka Burcad diimeedka xalaalaystay dhiiga dadka Muslimiinta ah aad iyo aad ayaanu uga mahadnaqaynaa Ciidankayaga ”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas .

 

”Shacabka Puntland Meelkasta oo ay joogaan waxay abaal u hayaan ciidamadeena oo runtii guulo la taaban karo oo wax ku ool ah ka soo hooyey ladagaalanka Burcad diimeedkaasi ”Ayuu Yiri Madaxwayne Cabdiweli Gaas”.

 

Dhalinyarada lamarin Habaabiyay ayaa Madaxwayne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ugu dambeyn ugu baaqay in Cafiska uu ufideyey ay ka faa’iidaystaan iyagoo og in waxa ay u dagaalamayaan aysan ahayn diin.

IMG_9694 IMG_9695 IMG_9696 IMG_9697 IMG_9698 IMG_9699 IMG_9701 IMG_9702 IMG_9714 IMG_9721 IMG_9724 IMG_9725 IMG_9727 IMG_9745 IMG_9751 IMG_9758 IMG_9768 IMG_9811 IMG_9815 IMG_9817 IMG_9833 IMG_9840

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed