|

Muqdisho Sidii looga Ciiday Khudbadihii Hogaanka Dawlada Federaalka Somalia Halkan ka DAAWO

Muqdisho 04.Oct 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ahna kusimaha Madaxweynaha Dalka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, R.wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa maanta salaaddii ciidda kula tukaday masjidka Isbaheysiga Islaamka Kumanan Dadweyne ah oo isaga kala yimid Degmoyinka kala duwan ee Gobolka Benaadir.

 

Ku-simaha Madaxweynaha dalka salaadda ciidda kaddib khudbad u jeediyayy dadweynihii Masjidka Isbaheysiga ku tukaday ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxa, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

 

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku booriyay Ummadda soomaaliyeed in ay iscafiyaan iskuna naxariistaan maadaama abaaro iyo dhibaato adag ay ka jirto dalka,isla markaana ay u gurmadaan dadka tabaaleysan.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed