Sweden Oo Qorshe ay Ku Aqoonsanayso Reer Falastiin Soo Bandhigtay
Stockholm:Oct,04,2014(SDN/QJ)-Dawladda Waddanka Sweden, ayaa Bannaanka Keentay qorshe lagu aqoonsanayo Maamulka Cadaadisku saaran yahay ee Reer Falastiin.
Ninka Ra’isal wasaaraha ka ah Dawladda Sweden Stefan Lofven, ayaa Isugu tilmaamay Mixnadda ka aloosan Dhulka falasteen lagu xallin karo aqoonsi la siiyo shacabka reer Falastiin ee muddada dheer loo diidan yahay Madax Bannnaanida.
“Dagaalka u dhexeeye Falastiin iyo Israel waxa kaliya oo lagu xallin karaa, In la helo Xal Laba wadan ka dhigaya iyo Wada xaajood loo eego sida waafaqsan Sharciga Caalamiga ah” ayuu Jimcihii Maanta ku sheegay Ra’isal Stefan Lofven khudbadiisii u horaysay ee Baarlamaanka u jeediyay.
“Xalka labada dal wuxuu u baahan yahay Aqoonsi labada dhinac ah, si loo helo Nabad waarta iyo wada noolaansho, sidaas daraadeed Dawladda Sweden waxay Aqoonsanaysaa Dalka Falastiin” ayuu yidhi Mr Stefan.
Qorshahan ay soo bandhigtay Dawladda cusub Ee Bidix dhexe ee Sweden ayaa haddii ay fuliso noqonaya dalkii u horeeyay ee Midawga Yurub ku jira oo aqoonsada Falastiin.
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada midoobay ayaa sanadii 2012-ka Aqoonsi aan rasmi ahayn siiyay Falastiin balse Midawga Yurub oo 28 wadan ah ayaan wali Aqoonsi rasmi ah siinin Falastiiniyiinta.
waxaa si weyn u qaadaa dhigay hadalkan Dawladda Sweden Warbaahinta Caalamka,iyadoo Maraykanka iyo Israel Cambaareeyey kuna dooday in la sugo wixii ka soo baxa Wada xaajoodka Israel iyo Falastiin.
Falastiiniyiinta ayaa Aqoonsi buuxa ka doonaya beesha Caalamka, iyagoo wada xaajood hadda la joojiyey kula jira Israel oo inta badan dagaalo dhex maraan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com