“Aafada maanta ina haysataana waa qabiil, Qabiilna maanta meel uu ina gaadhsiinayaa ma jirto oo qabiil iyo…..” Madaxweyne Kuxigeenka Somaland
Hargeysa:Oct,04,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo maanta shacabka kala qaybgalay Munaasibadda Ciida, ayaa bulshada ku guubaabiyey inay midnimo muujiyaan oo dhinac iska dhigaan kala qaybsanaanta.
Waxa uu mudane Saylici usoo jeediyey shacabka inay qabyaalada iska dhaafaan oo ay midnimo iyo wadajir ku wada Noolaadaan,
“Maanta Haddaynu nahay umadda Reer Somaliland waxa inoo taalla inaynu wanaagana is farno xumahana iska Reebno aafada maanta ina haysataana waa qabiil, Qabiilna maanta meel uu ina gaadhsiinayaa ma jirto oo qabiil iyo qaranimo meel ma wada Galaan,” ayuu yidhi Mudane Saylici.
Waxa uu sheegay in isku duubni iyo wada jir ay shacabku horumar ku gaadhi karaan, isla-markaana loo baahan yahay in ciddii wax tabanaysaa inay deegaan wax ku doonto, waxana uu yidhi,
“umadda waxan leeyahay ka waantooba qabyaallada oo cidda wax sheeganaysaana waa inay ku Hadashaa magac deegaan, waana la wada garanayaa halka ay maanta qabyaaladu somalid dhigtay inaguna himilada aynu muddada dheer u soo halgamaynay waxa weeye inagoo gacmaha is qabsana oo magaca Somaliland wax ku wada doona, inagooose qaybsan waxba iskama celin karno.”
Mudane Saylici waxa uu tilmaamay inay qabyaaladu tahay arrinta sababi karta kala qaybsanaan iyo dibu dhac ku timaadda umadda, waxana uu ku adkeeyey inay horumarkooda ku baadhaan ka dheeraanshaha qabyaalada.
SDN/QJ