Muqdisho Oo Laga Mamnuucay Inay Soo Galaan Dadka Da’doodu Ka Weyntahay 40-Jirka
Muqdisho:Oct,04,2014(SDN/QJ)-Caasimadda Somalia ee Muqdisho, ayaa saaka oo ciid ah waxa laga Mamnuucay inay soo galaan, kadib markii ay Dawladda Xasan Sheekh Go’aankaas Soo Saartay Maalintii Khamiistii ina Dhaaftay.
Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay dadka ku celinayaan halka loo yaqaan Siinka dheer, halkaasi oo gaadiidka lagu baadhaayo, dadka da’dooda ay ka yar tahayna 40-sano laga celinaayo inay Magaalada soo galaan.
Qaar kamid ah dad loo diiday inay soo galaan Magaalada ayaa Shabakada warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada ay dadka ku amrayeen inay dib ugu noqdaan, halkii ay ka yimaadeen, maadaama Dowladda ay hore u mamnuucday inay dadka da’ooda 40 ka yar tahay aanay soo geli karin Muqdisho.
Sidoo kale dhanka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho ciidamada ayaa dadka waxa ay ka celinayaan Xerada Maslax agteeda, waxaa dadkaasi loo sheegayaa inaan la geli karin Magaalada Muqdisho.
Qorshahaan ayeey Wasaarada ammaanka Qaranka ku sheegtay inuu yahay mid looga gol leeyahay xaqiijinta ammaanka caasimada dalka, si looga hortago weeraro Shabaab ay ka geystaan Muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay kormeeray sida ay ku socdaan howlgalka dadka loogu diidaayo inay soo galaan Magaalada Muqdisho.
Feejignaan badan oo dhanka ammaanka ah ayaa ka muuqata caasimada gudaheeda, waxaana la badiyay koontaroolada ammaanka lagu sugaayo ee Magaalada gudaheeda ah.
SDN/QJ