|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka kala Qaybgalay Tukashada Salaadda Ciidda

Hargeysa:Oct,04,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa Maanta salaaddii ciida kala qaybgalay Boqolaal Dadweyne ah oo ku tukanayey Masjid  jaamaca weyn ee Magaalada Hargeysa.

xubiMadaxweynaha oo ay Tukashada salaadda ciida ku wehelinayeen Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirrada iyo Taliyayaasha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, ayaa si weyn shacabka ugu boorriyey inay kala shaqeyeen Nabadgelyada iyo wada jirka Umadda, waxana uu hambalyeeyey shucuubta ku nool Somaliland.

“ waxaan shacabka somaliland ugu hanbalyeynayaa munaasibada ciida Adxa, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.” Ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siilaanyo

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “ waxaan leeyahay shacabka somaliland waa inaynu meel uga soo wada jeedsanaa ilaalinta nabad galyada dalkeena, waxaanan ku balamaynaa inaynu wada shaqayno.” Ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Dhinaca kale masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah iyo xukuumadaba ayaa maanta guud ahaanba shacabka somaliland kala qayb galay tukashada  salaada ciida Barakaysan ee Ciidal Adxa, iyaga oo ku kala sugan gobolada kala duwan ee dalka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed