|

Baarlamaanka Turkiga Oo Dawladda u Fasaxay Inay Ka Qaybqaadato Hawlgallada Ka Dhanka ah Xoogagga Daacish

Stanbul:Oct,03,2014(SDN/QJ)-Golaha Baarlamaanka Waddanka Turkiga, ayaa Dawladdiisa u fasaxay inay  kamid Noqoto Gulufka ka dhanka ah Xoogagga Daacish.

aprMooshin Baarlamaanku Meelmariyey ayaa si toos ah Dawladd ugu oggolanaaya inay Hawlgallada Militeri ee Koodaas lagu Hayo Qaybteeda ka qaadan karto, iyadoo xoogaggaasina haatan dagaallo  ka wadaan Goobo Ku dhaw xuduudda Turiga iyo Syria u dhaxaysa.

Mooshinkan ayaa sidoo kale oggolaanaya ciidamo ajanabi ah oo fadhiisin ka sameysta gudaha Turkey, iyo in la isticmaallo saldhigyada militariga Turkey.

Xukuumadda Ankara ayaa waxaa lagu cadaadiyay inay door ka qaadato isbahaysiga uu Maraykanku horkacyo ee ka dhanka ah kooxda Daacish, kaddib markii maleeshiyadu ay u soo dhawaatay goobaha militari ee xadka Turkey la wadaago dalka Syria.

Turkey waxay hore u diiday inay isbahaysigan ka mid noqoto, waxaana taasi sabab u ahaa, iyadoo kooxda Daacish ay afduub ahaan u haysteen 49 Turkey ah oo lagu qabtay magaalada Mosel bishii June.

In kabadan 160-kun oo qaxooti ah ayaa u talaabay xadka Turkey, kuwaasoo ka yimid Koabi oo dhinaca Syria ku taalla, waxaana halkaasi weeraro ku soo qaaday kooxda Daacish.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed