|

Muslilmiinta Sanadkan Xajaysa Oo Maanta Wada Taagan Buurta Carrafa

Carrafa:Oct,03,2014(SDN/QJ)-Muslimiinta Sanadkan Nasiibka  u yeelatay inay Gutaan Waajibaadka Xajka, ayaa Maanta oo Jimce ah waxa ay taagan yihiin Buurta Carrafo, si ay u gutaan Rukniga Xajka ee Muhiimka ah.

wuquuXujeyda ayaa ilaa shalay galab ku sii qulqulayay Mashcarka Mina oo 7 Km dhanka Woqooyi Bari ka xiga Kacbada ama Masjidul Xaraam.

Siddeedda Dul-xijah, waxaa loo yaqaan “ Yowmu Tarwiyah” ama maalintii biyo dhaansiga, waxaana sidaas loogu bixiyay xujeyda oo maalinka siddeedaad biyo dhaansan jiray, iyagoo isu diyaarinaya maalinta 9-aad ee ay istaagayaan barnka Carafa, si ay u gutaan tiirka ugu weyn Xajka.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in  Maanta  oo Jimce ah loo geliyo dhar cusub, sidiiba caadadu ahayd sanad kasta.

Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ee maamulaya Xajka ayaa sheegay in ay tas-hiilaadkii loo baahnaa u diyaariyeen Xujeyda sanadkan oo tiradoodu ka badan tahay Hal Milyan iyo Siddeed boqol oo Kun oo Xaaji, kuwaas oo ka kala yimid Shanta qaaradood ee dunida.

Maalinta 9-aad ee ay Xujeyda taagan yihiin Barnka Carafa, waxaa sunno ah in ay soomaan muslimiinta kale ee aan xajka gudaneyn, waxana sooman muslimiin Badan oo dadka soamlida ahina ku jiraan.

Sanadkan waxa xajka Muslimiinta Xajka Gudanaya kamid ah Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo xubno kale oo  Xukuumadiisa kamid ah, waxana dhinaca Somaliland ka Tegay Wasiirro kooban oo kaga qaybgelaya tiro ay dawladda sucuudigu siiso dawladaha islaamka ah.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed