|

Chine Oo Degniin Maraykanka Ugu Jeedisay Xiisadda Ka Taagan Hong-Kong

Bejing:Oct,03,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Shiinaha, ayaa Maraykanka iyo xulufadiisa uga digay tageerada ay siinayaan Mudaharaadadda ka socoonaya Jasiirrada Hong-kong, kuwaas oo maalintoodii afraad gelaya.

honkWasiirka Arimaha Dibadda Shiinaha Wang-Yi ayaa arinta ka taagan Is-maamul Goboleedka Hong-Kong ku sheegay arin u taalla Shiinaha,waxaana Wadamadda reer Galbeedka uu uga digay beenta ay faafinayaan inay joojiyaan iyo taageeradda ay u muujinayaan banaanbaxayaasha.

Digniinta Shiinaha ayaa ku soo aadaya xili Wasaaradda arimaha dibadda ee Mareykanka  ay taageero u muujiyeen banaanbaxayaasha Hong-Kong oo Dalka Shiinaha doonaya in madax banaani iyo xornimo dheeraad ah la siiyo,iyadoo dadka mudaaharadaaya qaarkood ay  wataan boodhadh Dawladda Shiinaha ka cadhaysiiyay oo ay ka mid yihiin(Big-Brother is Watching You)yacni/Walaalkeen weyn baa ku daawanaya oo ay ka wadaan Madaxweynaha Mareykanka Obama.

Waxaa xusid mudan Hong-Kong ayaa Boqortooyadda Ingirisika ku wareejisay Dalka Shiinaha,sanadkii 1997-dii,waxaana ay maamulayeen muddo 300-sanno,iyagoo si xeeladaysan ku qabsaday,dagaalkii la oran-jiray Dagaalkii-Daroogadda,kadib markii uu dadkii Hong-Kong xiligaas 300-sanno ka hor deganaa Daroogo-baray si ay dadka u iibsadaan Daroogadda Boqortoyadda Ingiriiska,waxaana wixii ka dambeeyay Magaaladda Hong-Kong bishii July 1-deedii sanadkii 1997-dii lagu wareejiyay Shiinaha,iyadoo ay Hong-Kong tahay magaaladda ugu qanisan Dhulweynaha Shiinaha.

Shacabka Hong-kong waxa ay maalmahan doonayaan inay madax-banaani ka qaataan Shiinaha,inkatoo ay adag-tahay oo Dalka Taiwan oo soo saara Moobiladda Caanka ah ee (HTC)ay weli Caalamka ka raadinayaan madax-banaani,balse Shiinaha uu hor istaagay madax banaani in la siiyo.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed