Ciidamada Ammaanka Puntland Oo Xabsiga Dhigay Tiro shacab ah Oo Gaadhaysa 40-Ruux
Garowe:Oct,03,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka Maamula Puntland, ayaa Hawlgallo ay ammaanka ku xaqiijinayeen deegaanka Karkaar ee Gobolka Qardho ku xidhxidhay ugu yaraan 40-ruux oo shacab ah maalintii shalay.
Dadka la xidhay, ayaa waxay isugu jiraan kuwo lagu sheegay inay Khalkhal ku hayeen ammaanka iyo kuwo kale oo sida la sheegay dhir jaris ka waday Degmadaasi.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Qardho C/qaadir Axmed Kheyre, ayaa sheegay in ragga lala xidhiidhiyay amni darada, ay xilliga habeenkii ah falal dhac la xidhiidha, ay ka wadeen Degmadaasi, isla-markaana ay Cadaalada horkeeni doonaan.
Dadka kale ee la soo xidhay, ayuu sheegay in lagu soo qab qabtay iyagoo faraha kula jira dhir jaris, xilli uu sheegay in Puntland ay ka digtay in deegaanadeeda dhir jaris laga sameeyo.
Taliyaha oo Saxaafada kula hadlay Degmada Qardho, ayaa waxa uu ka digay in dhalinyarada deegaanka ay ku dhiiradaan falalka la xidhiidha dhaca, iyadoo uu ku goodiyay in tallaabo adag laga qaadi doonto, haddii gacanta lagu soo dhigo.
Kheyre waxa kaloo uu digniin adag u jeediyay ragga kale ee weli ku hawlan dhir jarista, isla-markaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan, haddii ayba dhacdo in gacanta lagu soo dhigo.
SDN/QJ