|

Dowladda Somalia oo Mareykanka uga mahadcelisay doorkeeda Somalia

Washington Oct 03, 2014(SDN/QJ) – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Duhulow ayaa booqasho ku jooga Washington DC si uu u xoojiyo xiriirka Mareykanka iyo Somalia.

Wasiirka ayaa soo gaaray magaalada Washington DC 28kii September 2014 oo uu kulamo la qaadanayey mas’uuliyiinta Dowladda Mareykanka oo uu ilaa Jimcaha 3da October ay kulamdu sii soconayaan. Wasiirka ayaa sidoo kale booqan doona Minnesota iyo Columbus Ohio si uu Jaaliyadda Soomaaliyeed kulamo ula qaato.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaan u imid Washington DC inaan sii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee Somalia iyo Mareykanka iyo inaan u muujiyo Dowladda Mareykanka sida aan ugu qanacsanahay taageeradooda iyo hoggaaminta wanaagsan ee ay Somalia ka qaateen door muhiim ah. Waxaana halkan u joogaa inaan warbixin ka siiyo mas’uuliyinta Mareykanka xaaladda dalka iyo horumarka ballaaran ee dhan walba ay ka sameysey dowladda sida amniga, maamulka iyo maareynta dhaqaalaha, dib u habeynta garsoorka, dib u eegista dastuurka, maamul wanaaga, dhaqan gelinta Federaalka, dib u heshiisiinta, horumarka warbaahinta iyo qorsheyasha ay dowladdu ku dooneyso in 2016ka ay dalka ka hirgalaan doorashooyin.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Mas’uuliyiintii aan la kulmay ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, hay’adha warfaafinta iyo hay’adihii kaleba waxey i geliyeen rajo aad u wanaagsan oo ah in Dowladda Mareykana ay ka go’antahay in Somalia ay cagaheeda isku taagto oo ay si wallaaltinimo ah noo garab taagan yihiin. Waxaana rajeynayaa in Mareykanka uu taageeri doono qorshayaasha ballaaran ee aan hor dhigay ee lagu horumarinayo warbaahinta dalka iyo sidii ay nooga saacidi lahaayeen dhanka tayeynta shaqaalaha wasaaradda. Mas’uuliyiintii aan la kulmay waxey i tuseen sida ay oga go’antahay inay Somalia taageeraan iyo sida ay ugu faraxsanyihiin horumarka ballaaran ee Somalia ay ku tallaabsaneyso maalin walba. Mareykanku waxey naga taageeri doonaan qorsheyaasha wacyigelinta bulshada sida wacyigelinta la dagaalanka musuqmaasuqa, dhiirigelinta nabadda, maamul wanaaga, xasilinta dalka iyadoo la adeegsanayo warbaahinta. Wasaaradda Warfaafinta ayaa diyaarisaey qorsheyaashii wacyigelinta arrimaha dib u eegista dastuurka oo la doonayo in bulshada si fiican loo fahamsiiyo iyo qorsheyaasha tiigsiga vision 2016.”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeeyey “Waxaan booqan doonaa Minnesota and Columbus Ohio si aan ula kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed oo aan rabo inaan si furfuran ula sheekeysto, isla markaasna u gudbiyo horumarka dalka iyo qorsheyaasha dowladda. Waxaana dhageysan doonaa fikradahooda iyo talooyinka ay noo hayaan. Si dalka ay doorashooyin uga dhacaan 2016 waxaa lagama maarmaan ah in laga faa’iideysto khibrada iyo aqoonta Qurbojoogta Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaan kala hadli doonaa sidii dhalinyarada ku biireysa argagaxisada aan u wada joojin laheyn oo culumada iyo dhalinyaradaba waxaa saaran waajib ah inaan dhalinteena ka fikirno oo aan u abuurno mustaqbal wanaagsan oo ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen.”

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed