“Xukuumadda Sharciga ku soo noqda, oo ka daaya Kufsiga aad maalin walba Sharciga kufsanaysaan.” Xildhibaan Siciid Gaani
Hargaysa 03.Oct 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Madaxweyne Siilanayo iyo Xukuumaddiisa ugu baaqay inay ku soo noqdaan Sharciga dalka u yaalla, isla markaana ay kufsiga ka daawaan Shuruucda iyo Dastuurka waddanka u degsasn.
Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) oo ah Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Dabeeciga ah ee Golaha Wakiillada, ayaa Shir Jaraa’id oo isaga iyo Mudanayaal kale oo Wakiillada ka tirsani ku qabteen, Hargeysa, waxay walaac kaga muujiyeen aasaaska Ciidanka Madaxweyne Siilaanyo Digreetada ku magacaabay Ilaalinta Sahaminta iyo soo saarista Shidaalka(Oil Protection Unit), kuwaasoo uu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku sheegay inuu noqon doono Waax hoostagta Ciidanka Booliska Somaliland.
Hase-yeeshee, Xildhibaan Siciid waxa uu ku tilmaamay qaabka Madaxweynuhu Ciidankaas ku aasaasay inay tahay sharci-darro cad oo badheedh ah, iyo kufsi ay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu kula kacayaan Shuruucda dalka, waxaanu ugu baaqay inay Sharciga ku soo laabtaan.
Xildhibaan Siciid waxa uu ka sheegay in Aasaaska Ciidankani sababi karo khatar badan oo nabadgelyo, maaddaama oo uu hore u jiray walaac weyn oo Beesha caalamku ka muujisay dhismaha iyo abuuritaanka Ciidankan. Waxaanu ku dooday in haddii amnigu xumaado qofna ku sii fadhiyi doonin Kursiga uu hadda nabadgelyada ugu ladayo.
“Waxaan leeyahay haddii aad tihiin Xukuumadda yaanay idiin muuqanin lacagta yar ee aad guranaysaan, wax walba haddii aad ku jabisaan lacag yar oo aad guranaysaan dawladnimadii ayaa meesha ka baxaysa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane).
Xildhibaan Siciid oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Anigu waxaan qabaa waxa wax lagu yahay Sharciga iyo dawladnimada, Wasiirrana noqon maysaan, Madaxweynana noqon maysaan, Nin walbana waxa uu ahaa ayuu noqonayaa, waxaanan leeyahay Xukuumadda Sharciga ku soo noqda, oo ka daaya Kufsiga aad maalin walba Sharciga kufsanaysaan.”
Xildhibaankan iyo Xildhibaan kale oo maanta ka wadahadlay sharci ahaan aasaaska Ciidanka Somaliland ku cusub ee uu Madaxweyne Siilaanyo abuurkooda Wareegtada ku soo saaray ka hadla ee ku tilmaama Sharci-darro. Balse ma jirto illaa hadda wax jawaab ah oo ay Xukuumaddu ka bixisay hadalkan Xildhibaannada maanta ka soo yeedhay.
Dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, ayaa ka hor Wareegtada Madaxweyne Siilaanyo intii ay socotay hindisaha abuuritaanka Ciidankan waxay ka muujiyeen walaac xooggan, iyagoo sheegay in samaynta Ciidankan gaarka u noqonaya ilaalada Shirkadaha Sahaminta iyo soo-saarista Shidaalka Somaliland ka wadaa halis amni-darro iyo dagaallo sokeeye ka abuuri karaan gobolka, gaar ahaan deegaannada Bariga Somaliland ee hawsha shirkadahaasi ka socoto.
Hase-yeeshee, Wasiirrada arrimaha dibedda iyo Arrimaha gudaha Xukuumadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Cali Maxamed Waran-cadde oo marar kala duwan hore uga hadlay walaaca caalamku ka muujiyey aasaaska Ciidankan ku cusub Somaliland, waxay sheegeen inaanu Ciidankaasi ahayn haba-yaraatee mid dhibaato iyo amni-darro ka dhalan karto samayntiisa, cid ay Somaliland u adeegsanaysaana jirin, balse keliya uu noqon doono Ciidan suga ammaanka shaqaalaha Shirkadaha Sahaminta Shidaal ka samaynaya dalka.
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), oo isaguna ah Guddoomiyaha Gudida Arimaha Guddaha iyo Amniga oo isaguna sharci daro ku tilmaamay Ciidamada loo tababarayo Shirkadaha Shidaal baadhista ayaa yidhi “Ciidamaada OPU-ga, ee la sheegayo inuu Madaxweynuhu aasaasay,marka hore waa Ciidamo Sharci daro ah, waxa alaale waxa aasaas ah oo sharciya oo ay leeyihiin ma jirto,marka xiga Guddidayda arrimaha guddaha iyo amniga waxa talo ah oo lagana weydiiyey ma jirto, wax aanu kala socono iyo wax aanu ka ognahay ma jirto, wax alaale wax guud ahaan Barlamaanka laga weydiiyay ma jirto, oo dawladdu ugu baahatay ma jirto, waxaana waajib ah in marka la qaadayo talaabooyinka noocaasa in Xukuumaddu Barlamaanka ogolaansho ka hesho, haddii aanu Barlamaanku ogolaana Siyaasada Xukuumaddu maaha mid Siyaasad sharciya”.
Xildhibaan Rayte oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “CIidamada ilaalinaya Shirkadaha Shidaalku, waa Ciidamo ay iska leeyihiin Shirkadaha Batroolku, maxa yeelay Lacagta Shirkadaha Batroolka ayaa bixinaya, 25-million oo Dollar ayey bixiyeen,waxayna ugu talageen Ciidamada tababarkooda iyo qoristooda, oo xitaa Musharkooda iyaga ayaa bixin doona, amarkoodana waxa yeelan doona Shirkadaha, dalkana waa ka mamnuuc Ciidan hubaysan oo ka shaqeeya oo aan Ciidamada Qaranka ahayn, oo aan sidoo kale hoos iman Sharciga dalka iyo Dastuurka dalka iyo Barlamaanka dalka,waxa iman doona Ciidamada loo yaqaano Calooshooda u shaqaystayaal, oo dibada laga soo kiraysto, oo Ciidamada la sheegayo xukumi doona, haysan doona, hawl geli doona, amri doona, taabari doonana, wey ka dhacday Puntland waxa ay ku dambaysayna waa la ogaa, Caalamkuna ma ogala, maxa yeelay waa arin lidi ku ah Sharciga Caalamku in Shirkadahaas Lacagta fara badan haystaa in intay Ciidamo sameeystaan inay dalalka qabsadaan, oo bari hore ayey dhulka qabsan lahaayeen”.
Xildhibaan Rayte isaga oo hadalkiisi sii wata waxa uu yidhi “Dadka arinkan dabada ka wadaana dad Somaliland u tudhaya maaha, Ciidamadan waxa loo sameeysanaya dadka degan Somaliland, Deeganada ay dadku degan yihiin ee ay ku dhaqdaan Xoolaha ku dhaqdaan, ee la lleeyahay Batrool ayaa laga baadhaya, inkasta oo tuhun fara badani igu jiro haddana ayaa wax yaabo badan oo kale ayaa ku jira, hawlaha Batroolka Wasiirka Macdanta iyo Madaxtooyada ayaa hawlaha Badiroolka oo dhami ay ku eeg yihiin,Xukuumaddu war kama hayso, Barlamaanku kuma hayo, Wasiirada kale war kama hayaan, arimaha kheyraadka dalkuna maaha wax in yari ka taliso, waa arin Ubadkeena iyo Ubadka ka dambeeya iyo kuwa ka sii danbeeya ay leeyihiin, maaha arin Wasiir yar iyo Inan yari ay go’aano ka gaadhi karaan”.
Xildhibaan Rayte mar uu ka hadlaayey Shirkadaha Shidaalka iyo Sharciga dalka waxa uu yidhi “Wax alaale wax Sharciya iyo Liisan la siiyey Shirkadaha Shidaalku ma jiraan, ilaa Barlamaanka laga ansixiyaana heshiiskaasi ma noqonayo mid sharciya, Shirkadaha Shidaalkuna waxa aan filaya inay arintaas og yihiin, in qaabka ay u wadaan aanu ahayn qaabkii sharciga ahaa, ilaa hadda Wasiirku waxa uu haystaa Sharcigii Batroolka, Ciidamana wuu qoronayaa, Liisamana waa uu bixiyey, Shirkadana wuu u yeedhay, meesha uu awoodaha iintaas leeg uu ka keenay iyo cida u fasaxday iyo cida u ogalaatay iyo waxa uu ku saleeynayo go’aanadiisa garan mayno, lacagaha halkaas ka soo galay halka ay ku dambeeyaana garan mayno”.
Xildhibaan Rayte wuxuu sheegay in heshiisyada shirkadaha lala galay yihiin kuwo qarsoodi ah, waxaanu yidhi “Heshiiskani waa qarsoodi, oo Wasiirka Macdanta oo qudha ayaa og, Umad iyo Wadan dhan oo la leeyahay Nin qudha ayaa heshiska og lama arag Adduunyada, imika ma joogno wakhtigii Shidaalka laga helay Sucuudiga iyo Iran iyo sidoo kale Dawladihii badawda ahaa, ee Boqortooyada ahaa, waxaynu joognaa Caalam casirya, waxana sida ay u dhaqmayaan, maaha wax la aqbali karo,qiyaastii in ku dhaw Boqolkiiba Todobaatan 70%, ayuu Wasiirku bixiyey, inkasta oo aan ilaa hadda waxba laga qaban, haddana kiro ayaa ku socota, waayo waxa qoraya Nidaamkii hore ee laga dhaxlay Siyaasad Bare, kiraduna waxa ay ku saleeysan tahay KM, oo lacag ayey ku qiimaysan yihiin, Lacagtaasna Sannadkii waxa ay noqonaysaa Malaayiin doolar, lacgtaas yaa haya, halkee lagu shubaa, waxaas oo dhan oo dhiman ayaa la leeyahay Ciidamo ayaa la sameeynaya, Ciidamadaas loo sameeysan maayo cid dibada inagaga imanaysa, ee waxa loo sameeynaya Shacabka reer Somaliland, Ciidamadana gaarka ahina waa Muftaaxii lagu furaayey Dagaal sukeeye oo cusub, cida ka talisay iyo cida wada waa cid aan dan ka lahayn waxa ka iman doona waxyaabaha noocaas ah, waxaana leeyahay ha la joojiyo qandaraasyada yar yar ee hunguriga ah ee lala ordaayo ee Madaxtooyada agteeda iyo hareeraheeda lagu bxinaayo,yaana loo faruur xidhin danihii Istaartijiga ahaa ee Umadda cid gaar ah”.
Xildhibaan Rayte oo ka hadlaya dhibaatada ay Ciidamadani soo gaadhsiin karaan Shacabka ayaa yidhi “Dadkeenu waa dad reer miya, waa maxay ujeedada loo sameeynayo Ciidamadan, Shirkada General Engery hore ayey u timid Caynaba iyo Saraar, Lacagtii loogu talagalay in dadka ceelal loogu qado, Iskuulo loogu sameeyo, oo goobo Caafimaad loogu sameeyo, oo markii hore Shirkadu lacagta cadadkeeda sheegtay, waxa loo dhiibay ayaa la yidhi Wasiirka Macdanta, dadkuna waxa ay ka xanaaqeen in Shirkadu waxa ay balanqaaday in inta aanay waxba qaban bixiso markii ay ka waayeen, halkaasna khilaaf ayaa ka abuurmay, Shirkadii wey soo baxday, markaas Shirkadii waxa ay doonaysaa inay ku noqoto iyada oo Ciidamo wadata, waxayna Ciidamada u wadata inay ka rarto dadku halkii ay Xoolaha daaqsanayeen, waxa markaas iman karaana waa la garanayaa.” Xildhibaan Rayte oo ka hadlaya heshiiska Shirkadaha lala galay ayaa yidhi “Anigu ma qabo in Shirkadahan heshiis lala galay, marka Shirkad lala heshiinayo in Bulshadu la heshiisa, ma Nin Wasiir ah ayaa inta uu duulo oo uu London tago heshiis la galaya, waa heshiis ku siman konton ilaa lixdan sanno, waa heshiis dhinac walba leh, waa in Barlamaanku og yahay, waa in Golaha Wasiiradu ka doodaan, waa in khubaro ku jiraan, dadkuna deegamada ay degan yihiin, ciidan looma kaxaysan karo, lama joojubi karo, cidii isku daydaana waxa ay hesho ayey leedahay”.
Hargaysa SDN/QJ