Maamulaha Madaarka Caasimada oo Xisbiyada Mucaaridka ku riixay eedo ay u Jeediyeen DAAWO
Hargaysa 30.Sep 2014 (SDN/QJ)- Maamulka Sare ee Madaarka Caasimada Hargaysa ee Cigaal International Airpote ayaa Beeniyay Warar ay Xisbiyada Mucaaridku ku sheegeen in loo diiday in Madaxdooda lagu soo dhaweeyo Qolka Nasashada ee Madaarka Cigaal.
Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil Waxa uu Sheegay in aanay haba yaraatee Waxba ka Jirin in Qolka Nasashada ee Madaarka ay u diideen Madaxda Xisbiyada Mucaaridka isagoo intaas ku daray inuu Jiro nidaam ay Xisbiyada iyo Madaarku ku wada Shaqeeyaan.
Dhanka kale Maamulaha Madaarka Caasimadu Maxamed Yuusuf Waxa uu soo bandhigay Qoraalo uga Yimid Xisbiyada Kuwaas oo ay ku dalbanayeen in Mas’uuliyiin ka Tirsan Xisbiyadooda loo sameeyo Hab Maamuus isla markaana ay ka Guteen Waajibkoodii loona fuliyay dalabkoodii.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com