Madaxweyne Siilaanyo oo Cod dheer ku Sheegay in aanay Soo Noolaanayn Midnimadii Somalia Si Kululna uga fal Celiyay Hadal ka Soo Yeedhay Dhigiisa Somalia DHAGAYSO+SAWIRO
Hargaysa 29.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay Xaflada Qalinjebinta Ardayda Sanadkan ka baxday Jaamacada Hargeysa University, ka qaybgalka madaxweynaha ee jaamacada Hargeysa oo noqonaysa Jaamacadii Shanaad (5) ee uu madaxweynuhu sanadkan la qaybsado farxada Qalinjebinta Ardayda iyo Waalidiintaba.
Jawiga Saaka ayaa ahaa mid ka duwan sidii hore ee madaxweynuhu uga qaybgeli jiray xafladaha noocan oo kale ah ka dib markii ay gaadhiga Khaaska ah ee Madaxweynaha soo wada raaceen Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye oo iyaguna maanta goobjoog ka wada ahaa xafladan, hadalana ka soo jeediyey ka dib wada hadalo beryahanba u socday Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaradka oo la xidhiidha Diwaangelinta iyo Xaalada Dalkaba sidii meel looga soo wada jeedi lahaa.
Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlayna ayaa Hambalyo u diray Guud ahaan ardayda Qallinjebisay isagoo Sheegay inuu ka qayb galay Ilaa afar kun oo arday oo Sannadkan ka baxay Jaamacadaha dalka waxaa kale oo uu Madaxweynu sheegay In Shacbiga Somaliland ay diyaar u Yihiin Difaaca Dalkooda Cir,Dhul iyo Badba isagoo Jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay dhigiisa Somalia Xasan Sheekh Waxa uu Mudane Siilaanyo Hoosta ka Calaamadiyay in Midnimadii Somalia ay wakhti hore dhimatay waxaa kale oo uu Madaxda dawlada federaalka ku wargaliyay inay ku soo noqdaan Miiska Wada hadalka ee ay ka warwareegayaan.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA MADAXWEYNE SIILAANYO
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SiilaanyoiyoJaamacada29.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com