Halkan Ka Akhri Tobanka Arday Ee Ugu Sarreeyey Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay ee Fasallada 4-aad
Hargeysa:Sep,29,2014(SDN/QJ)-Maanta ayey ahayd markii wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ay ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanaadka Fasallada siddeedaad ee Dugsiyada Dhexe iyo Kuwa Afraad ee Dugsiyada Sare, waxana la kala saaray Dugsiyada Gaarka loo leeyahay iyo Kuwa Dawliga ah.
Halkan waxanu maanta idiinku Haynaa Magacyada Tobanka Arday ee ugu sarreeyey Dugsiyada Afraad ee Gaarka Loo leeyahay iyo Waliba Natiijada ay keeeneen.
Waa Kuwan Magacyada Tobankaas arday, natiijada ay keeneen iyo waliba Dugsiyada ay ka socdaa:
1.Maxamed Cali Jaamac Xasan oo Ka Socda Dugsiga Dayaxa ee Magaalada Burco, waxana uu keenay 720-dhibcood.
2. Maxamuud Maxamed Nuur Maxamed oo ka socday Dugsiga Sos ee Gobolka Saaxil, kaas oo keenay dhibco dhan 717.
3, Ridwaan Cabdi Daahir Suldaan oo ka socda Dugsiga Nuradin, waxana uu keenay dhibco dhan 715-dhibcood.
4.Yaxye Maxamuud Axmed Nuur oo ka socday Dugsiga Future ee Magaalada Hargeysa, waxana uu keenay 714-dhibcood.
5,Salma Aadan Cabdi Cise oo ka socotay Dugsiga Future ee Magaalada Hargeysa, ayaa iyana keentay dhibco dhan 711.
5. cabdishakuur Khadar Digaale oo ka socday Dugsiga Abu-hurayra ee Magaalada Hargeysa, ayaa keenay dhibco dhan 711.
6.Cabdisalaan Cismaan Xuseen Faahiye oo kasocda Dugsiga Sos, kaas oo keenay dhibco dhan 708.
7. Mukhtaar Maxamuud Sulaymaan oo kasocday Dugsida SOS, waxana uu keenay 705-dhibcood.
8. Cabdisamad Maxamuud Sulaymaan oo ka socday Dugsiga Salaama, waxana uu keenay Dhibco dhan 704-dhibcood.
9.Xamse Aadan Warsame Xirsi oo ka socday Dugsiga Nuradin ee Magaalada Hargeysa, waxana uu keenay dhibco dhan 704-dhibcood.
Sanadkan muuqata in dugsiyada dawliga ahi sidii caadada u ahayd ku liitaan Natiijada marka la barbar dhigo kuwa gaarka loo leeyahay, waxase Xusad Mudan in dugsiyada Dawliga ah ee Deegaanada Bariga Somaliland ay korukac sameeyeen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com