|

MATAANAYNTA BERBERA & OODWAYNE “ TWIN OLD CITIES” : MAYOR CIDIN IYO MAYOR XOOG

Berbera iyo Oodwayne waa  magaallooyinka  ugu facawayn Somaliland. Waxa qarniyo badan ka dhexeeyay  xidhiidh sokeeye, ganacsi iyo dhaqan –dhaqaale . SAAXIL  waxa laga soo dejin jiray badeecad  ganacsi sida timirta, dharka, irbadaha  iwm. Waxa lagu soo qaaday jira awr loo yaqaanay  “ Kabadhe Iidoor “.
Waxa lasoo marin jiray   Cadaadlay, waxaana loo gudbin jiray Oodwayne oo ahayd  xarunta  ganacsi  ee ugu wayn badhtamaha Somaliland.Waxa  degganaa  ganacsato  waawayn oo u badan Carab & Hindi. Waxa  hawdka iyo Ogaadeenia  laga keeni jiray Subag, Baal goray, Mal-mal, Gadh ceesaan, xabag iyo aloobo   kale oo loo dhoofiyo dibedda.  
Magaca Iidoor wuxuu soo baxay muddo lagu qiyaasi karo  1870,  oo  ku beegan waqtigii uu Mataan Ciideed   dacay safar uu lahaa nin la odhan jiray Wacays  Xirsi .Safarkaas oo ka yimid Berbera, siina maray Oodwayne, ayaa waxa lagu dhacay deeganka Ciid ee Carro ogaadeen. Waxa laga tiriyay suugan iyo sheekooyin badan.
Hadaba xiriirkaas soo jireenka ah,   waxa soo nooleeyay  Mayor Cabdishkuur Cidin” Berbera “ iyo Mayor Cabdixakeem Nuur “ Xoog “ Oodwayne “ oo ah labada Mayor ee ugu fir-fircoon uguna wax-qabadka badan geyiga “Somaliland “.  Waxa dhawaan Oodwayne laga hirgeliyay dhawr waddo oo laami ah, oo uu gacan wayn ka gaystay  “Mayor Cabdishkuur Cidin”.Haddii aanu nahay Qurbjooga Somaliland waanu hanbalyaynaynaa  iskaashigaas.  Ciddin iyo Xoog  waa laba Mayor oo ku dayasho iyo amaan  muddan.

Ali Ibrahim, Baqdaadi, Toronto

Comments are closed