|

Qaar Kamid ah Wariya-yaashii Ka Hawlgeli Jirey TV-ga Maamulka Puntland Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Garowe:Sep,29,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka saaka Naga Soo Gaadhaya Magaalada Garowe, waxa Ciidamada Ammaanku habeenkii xalay Jeelka dhigeen Tiro kamid ahaa Wariyayaashii ka Hawgeli jirey TV-ga Maamulka Puntland iska leedahay.

puttvWariyayaashan oo lagu xidhay saldhiga ku yaala kantaroolka galbeed ee Garoowe ayaa sida aan wararka ku helayno wuxuu xadhigooda la xidhiidhaa Khilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo maamulka cusub ee loo magacaabay Puntland Tv.

Magacyada saxafiyiinta la xidhay oo tiradooda rasmiga ah la hayn ayaa waxaa kamid ah, Cabdi Qani Irbad oo ahaa tifaftirihii Tv-ga, Xuseen Shiine, Maxamed C/Weli Nuur Timire, Ibraahim Wadani, Maxamed Khaalid oo ahaa farsamo-yaqaankii Puntlandtv iyo Cadiraxman Axmed Yuusuf.

Wariyayaasha la xidhay ayaa qaar kamid waxaa laga joojiyay shaqada Tv-ga halka qaar kalena ay ka hor yimaadeen  shaqo joojinta uu sameeyay agaasimaha cusub ee Puntland Tv oo lagu magacaabo Ashkir.

 

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta wariyaashaan loo xidhay marka laga reebo Khilaafka maamulka. Wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo ay wariyayaashu hore uga cabanayeen maamulka cusub oo ay ku tilmaameen inuu la yimid go’aano adag oo aan la jaanqaadi karin waqtiga shaqo ee maanta.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed