Qoraagii Buuga Xamaasada Diineed abuuray ee Xadka Ridada Maxaa Ka Run ah oo Jawaab ka Bixiyay Dhaliilihii Sh.Maxamed Umal {DHAGAYSO}
Nairobi 29.Sep 2014 (SDN/QJ)- Cabdi-siciid Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxa uu dhowaan ku soo bandhigay Buug cusub oo uu qoray oo uu qoraaga ugu magac daray XADKA RIDDADA MAXAA KA RUN AH!.
Kadib Markii Buugaasi la soo bandhigay ayaa waxaa naqdiyay oo ka hor yimid qaar ka mid ah Culaa’udiinka Soomaaliyeed gaar ahaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamed Idris.
Sheekh Maxamed Cabdu Umul ayaa si cad ah u sheegay in Buugaasi uu yahay mid lagu doonayo in Diinta Islaamka lagu wax yeeleeyo, islamarkaana Xanbaarsan Gaalnimo Cad.
Hadaba si aan arintaas wax badan uga ogaano ayaa Waraysi lala Yeeshay qoraaga Buuga Xadka Ridada Maxaa ka Run ah Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Qoraaga buuga ayaa la hor dhignay Su’aalo dhowr ah oo la Xidhiidha Kitaabka uu isaga qoray iyo eedeymaha ka yimid qaar ka tirsan Culumada Soomaaliyeed isagoo labada Sheekh ee Ummal iyo Idiris ku tilmaamey kuwa diinta ka fogaadey sidoo kalena aflagaadeeyay Rasuulkeena scw.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO ARRIMO XASAASI AH OO QORAAGU KA HADLAY
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XadkaRidada29.mp3″]
Nairobi SDN/QJ