|

Punt land oo ku Gacan Saydhay Meel adagna iska taagtay in Wadaag lagu noqdo Garoonka Gaalkacayo ee Xiisada ka abuuray Gal Mudug iyo Punt land

Gaalkacayo 29.Sep 2014 (SDN/QJ)- Dowlada Puntland ayaa waxay si xoogan uga  biyo diiday in Maamulka Garoonka Galkacyo uu la wadaago Maamulka Galmudug, oo ka arrimiya Koonfurta Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.

Waxay tani ka dambeysay markii Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu doraad ku baaqay in labada Maamul, ay ka wada hadlaan xiisada ka dhex oogan, oo ka dhalatay isticmaalka Garoonka Galkacyo.

C/weli Xersi Cabdulle”indha guran” Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Puntland, ayaa waxa uu ku celiyay inaysan Puntland marnaba wax gorgortan ah ka geli doonin Maamulka Garoonka Magaalada Galkacyo.

Wasiirka, ayaa wuxuu sababtu ku sheegay in Garoonku uu ku yaalo dhulka ay Maamusho Puntland, wuxuuna Garoonka Galkacyo lamid yahay buu yiri sida Garoomada Garoowe iyo Boosaaso.

Wasiirka oo u waramay Idaacada afka Somaliga ku hadasha ee VOA-da, ayaa wuxuu xusay in cidii weerar ku soo qaada Garoonka Galkacyo, ay Puntland diyaar u tahay inay ka difaacdo, sida uu yiri.

Dhinaca Kale

Wasiirka Amniga Puntland Mudane Xasan Cismaan Aloore ayaa sheegay inuu caadi yahay howlaha duulimaadka garoonka diyaaradaha Cabdillaahi Yuusuf ee magalada Gaalkacyo.

Wasiirku Waxa uu sodoo kale sheegay inuusan jirin wax wada hadal ah oo dhexmaray Puntland iyo Galmudug hase yeeshee ay soo dhawaynayaan nabadgalyadda iyo wada hadalka, wuxuna sheegay inuusan hadalka afka laga yari uusan waxba taaban karin.

Aloore Wasiirka Amniga Puntland waxa uu sheegay ciidanka Amniga inay diyaar u yihiin hanjabaadka ka imaanaysa Galmudug inay ka difaacaan garoonka diyaaraha Gaalkacyo, wuxuna sheegay inuusan Cabdi Qaydbiid weerarkiisa cabsi ka qabin.

 

Wararka sheegaya Cabdi Qaybdiid Madaxwaynaha Galmudug in loo diiday garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayuu sheegay Wasiirka Amniga inaysan waxba ka jirin hadaladaasi.

 

”Cabsiga kama qabno Cabdi Qaydbiid inuu nasoo weeraro, Puntland way isku fulin tahay Cabdiqaybdiidna waa la yaqaanaa, balse waagii dagaal nooga yimaado Cabdi Qaydbiid Taariikhdu way qormaysaa Puntladnna way isku filan tahay”ayuu hadalkiisa ku darey.

 

Xasan Cusmaan Aloore ayaa sheegay dhanka kale inaysan Galmudug u diidin dhismaha garoon diyaareed hase yeeshee ay mamnuuc tahay in meel u dhow Garoonka diyaaradaha Cabdilaahi Yuusuf Garoon kale laga dhiso.

 

Masuulkan ayaa sheegay inaysan raali ka ahayn nabadgalyo xumo ka dhacda Gaalkacyo iyo hareeraheeda, xaalada ammaan ee Garoonka diyaaradahana uu yahay mid wanagsan oo caadi ah, shacabka Gaalkacyo ayuu u sheegay Cabdi Qaydbiid hadaladiisa inuusan dhaawac ku samayn karin Garoonka diyaaradaha.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa wuxuu  sheegay in Galmudug ay soo dhaweyneyso hadalkii Ra’iisal Wasaaraha, ee ahaa in laga wada hadlo arrinta ku aadan Garoonka Galkacyo

Gaalkacayo SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed