|

Haweenayda lagu Naanayso Carmalka Cad oo ahayd Maskaxdii Hogaaminaysay Weerarkii West gate oo ku Biirtay Kooxda Daacish

Dimishiq 29.Sep 2014 (SDN/QJ)-  Sida uu daabacay wargeyska Daily star ee wadanka Britain  sirdoonka Dalkaasi ayaa aamisan in haweeneedda la yidhaahdo “Carmalka Cad” ee Samantha Lewthwaite in ay ku biirtay kooxda Daacish  iminkana ay ka barbar dagaalamayso kooxdaaasi  gudaha Syria.

samantha-lewthwaiteHaweenaydan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Britain ayaa la aaminsan yahay in ay wado qorshe ku aadan tababar haweenka loo diyaarinayo si ay u bilaaban is qarxin  ay gudaha siiriya ah,wadanka siiriya gudiisa lagu tababaro.

Lewthwaite,oo 30 sano jir ah, ayaa kooxda ISIS waxaa looga dhax yaqaanaa “Haweennaydii Muhiimka Ahayd” sida sirdoonka England laga soo xiganayo.

Haweennaydan  Lewthwaite  masuul ka ah tababarka hablo Britain ah oo isku badalay islaam kana barbar dagaalama hada kooxda ISIS.

Samantha ayaa horay usoo guursatay Germainee Lindsay oo kamid ahaa afar ruux oo isku qarxiyay gudaha magaalada London sanadkii 2005 halkaa oo ay kudhinteen52 ruux .

Sidoo kale Samantha ayaa kasoo barbar dagaalantay kooxda Al-shabab ee Somalia iyadoo hogaamineesay weerarkii Al-shabab ee Westgate Mall ee Kenya 21, September 2014.

Dimishiq SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed