Degmada Taleex oo ay Gaadheen Wefti Khaatumo ah iyo Ciidamada Qaranka oo Heegan Buuxa ku Jira
Taleex 29.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wefti ka socda kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo ayaa markii u horreysay la sheegay inuu gaadhay degmada Taleex ee Gobolka SOOL ee Somaliland.
Xubnaha Weftigan oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno,Madax-dhaqameed iyo Waxgarad ka tirsan Khaatumo oo kasoo kicitimay Deegaanka Mudul-eerigo oo Koonfur kaga beegan Magaalada Laas-caanood ee Gobolka SOOL oo ah halkii lagu caleemo-saaray Cali Khaliif Galeydh.
Wasiirka Diinta, Dastuurka iyo arrimaha federaalka ee Khaatumo, Maxamed Cali Cartan oo la sheegay inuu horkacayay Weftiga ayaa warbaahinta u sheegay in safarkoodu ku waajahan yahay deegaanada ka baxsan gacanta Somaliland oo gobollada Sool iyo Sanaag-ba ka tirsan.
Sidoo kale, Weftigan ayaa deegaanadii ay soo mareen waxay shacabka ka dhaadhicinayeen hadafkood, hawsha hortaalla iyo waxa looga baahan-yahay.
Wasiirka diinta ayaa sheegay in imika loo gudbay wax-qabad loona baahan-yahay in qof weliba uu qaybtiisa ka qaato, lagana soo gudbay KMG-kii uu ku jiray maamulkooda: “Maamulkii hore dhulbahante iyo kaskii-qabe ayuu ku koobnaa, haddase waa mid ay beelo badan ku soo biireen oo ay ka mid yihiin Geri, Fiqishini iyo sidoo kale Gabooye,” ayuu yidhi wasiirku.
Safarkan la sheegay inay xubnaha maamulka Khaatumo ku tageen degmada TALEEX ayaa ku soo beegmay wakhti ay markii 4aad gogol wada-hadal uga furmayso beelo ay colaad sanado soo taagnayd u dhexeysay oo la doonayo in la heshiisiiyo.
Weftigan ayaa waxay ku waajan yihiin dhul si weyn si weyn uga biyo-diiddan maamulka Khaatumo ee uu madaxda ka yahay Cali Khaliif Galaydh.
Dhanka Kale Ciidamada Qaranka oo fadhiisin Milateri ku leh Deegaanka ku teedsan Degmada Taleex oo haatan Xurun u ah Gobolka Xaysimo ayaa la sheegayaa in la geliyay Heegan Buuxa .
Taleex SDN/QJ
contact@qurbejoog.com