Maxkamada Sare Somaliland Ayaa Wax Ka Badashay Xukun Ay Hore Ugu Riday Cawl Xared Iyo Ragii Wehelinaayey
Hargeisa (SDN/QJ) Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa la sheegay inay wax ka bedel ku samaysay xukuno hore loogu riday Mr. Cawar Xareed iyo Mr. Qarxiye
iyo laba nin oo kale oo lagu eedeeyay dilka dad lagu laayay Borama iyo Gabiley dhexdooda.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa bishii March ee sannadkan xukun dil ah ku riday Mr. Cawar Xareed iyo Mr. Qarxiye, halka ay laba nin oo kale oo la xidhana ku riday toban sannadood oo xadhig ah. Hase yeeshe ehelada raggan ayaa rafcaan ka qaatay xukunadaas, waxaanay rafcaan u qaateen maxkamadda sare ee ciidamabda.
Kulan ay maxkamada sare yeelatay toddobaadkan u dambeeyay ayaa waxa ay wax ka bedel ku samaysay xukunkadaas hore loogu riday raggan ka dib markii ay dacwadaha dib u dhagaysatay. Tusaale ahaan labada nin ee Qarxiye iyo Cawar Xareed waxay maxkamadan dambe xukunadaas dilka ah ugu bedeshay xabsi daa’im, halka ay labada nin ee lagu xukumay min tobanka sannadoodna uga dhigtay shan sannadood. Labadan nin ayaa marka loo eego xukunka dambe ee maxkamadda waxa ka dhammaaday xadhigaas shannta sannadood ah, sida ay eheladoodu ku doodayaan.
Hase yeeshe labada maxbuus ee uu xabsigu ka dhammaaday lama sii dayn, waxaanay ehelada qaar ka mid ahi sheegayaan inay la yaabanyihiin sababta ilaa hadda loo sii dayn la’yahay.
Hargeisa SDN/QJ
Maxamed@Qurbejog,com
Concat@somalidiasporanews.com