|

Lacago Xoogan oo la Dul Dhigay Madaxa Hogaamiyaha Cusub ee Kooxda Alshabaab

Muqisho 27.Sep 2014 (SDN/QJ)- Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inay qofka soo sheega xog sugan oo la xidhiidha halka rasmiga ah ee uu ku nool yahay ama laga heli karo iyo astaamihiisa oo dhammaystiran Hoggaamiyaha cusub ee Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya la siin doono Laba Milayan oo Doollarka Maraykanka ah.

HOGGAAMIYAHA-AL-SHABAAB-ABU-CUBAYDATaliyaha cusub ee Ciidammada Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka Soomaaliyeed, Col. Cabdiraxmaan Maxamuud Tuur-yare, ayaa maanta ku dhawaaqay in lacag laba milyan oo Doollarka Mareykanka ah dul-dhigeen hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab Sh. Axmed Cumar Abuu-Cubeyda oo ay horraantii bishan September 2014-ka doorteen Kooxdaasi ka dib markii duqayn diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen gobolka Shabeellada dhexe ee dalka Soomaaliya lagu dilay Amiirkii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Col. Tuur-yare ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladda Somalia ay go’aansatay inay siiso qofkii soo sheega xog ku saabsan in la dilo hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab ay siin doonto lacag dhal hal milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Taliyuhu wuxuu sheegay in qofkii keena macluumaad sahli karta in lasoo qabto isagoo noolna ay siin doonaan lacag dhan laba milyan oo doollar, iyadoo go’aankan uu imaanayo xilli bishan horraanteedii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Godane duqeyn diyaaradeed oo mas’uuliyaddeeda ay sheegatay dawladda Mareykanka.

“Qofkii xog ku saabsan hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab, waxaan u ballan-qaadaynaa inaan la shaacin doonin magaciisa iyo sawirkiisa, sidoo kalena la siin doonaan lacagta ay ballanqaadeen.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cornayl Cabdiraxmaan Maxamuud Tuur-yare.

Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay dawladda Soomaaliya ku sheegto Lacag Laba Milyan oo Doollar ah ay siinayso ciddii keenta xogta Hoggaamiyaha Al-Shabaab, iyadoo ay sii xoogaysanayaan dagaallada ay dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay caawinayaan Ciidammada Nabad-ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM) ka jooga dalka iyo Kooxda Al-Shabaab. Hase-yeeshee, Kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax jawaab ah ka bixin warkan ka soo baxay dawladda Soomaaliya.

Go’aanka dowladda ay lacagta ku saartay madaxa hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmo ka hor ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay kusoo rogeen Sh. Abuu-Cubeyda xayiraad safarka ah iyo mid Maaliyadeed. Dawladda Maraykanka, ayaa dhawr sano ka hor Saraakiisha sarsare ee Al-Shabaab oo uu ugu horreeyey hoggaamiyihii Kooxdaas ee la dilay Axmed Cabdi Godane waxay Madaxooda dul-dhigtay Lacag Malaayiin Doollar ah.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed