“Dan ayaa noogu jirta deganaanshaha Soomaaliya” Uhuru Kenyatta
Nairobi 27.Sep 2014 (SDN/QJ)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in nabadgelyo ka dhalata Soomaaliya iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab ay horseedi karaan horumarka Kenya.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyantta oo Jimcihii shalay khudbad ka jeediyay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in amniga Soomaaliya uu yahay kan horseedi kara illaalinta deegaanka iyo ka hor-tagga kooxaha ugaarsiga ku haya duurjoogta.
Kenyatta ayaa intaas raaciyay in nabadgelyo waarta oo ka dhalata Soomaaliya ay dib u soo nooleyn karto dalxiiskii Kenya oo uu sheegay in uu hoos u dhacay tan iyo markii dalka Kenya ay ka billowdeen weerarrada argagaxiso muddadii ka dambeysay markii ciidamadooda ay ku biireen howlgalka AMISOM.
Wuxuu beesha caalamka ka codsaday in ay gacan ku siiyaan dowladdiisa sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaalida ee ku nool gudaha Kenya.
Uhuru ayaa ka codsaday hay’adaha caalamiga inay hubiyaan in loo isticmaalo xeryaha qaxootiga ee ku yaalla Kenya goobo laga soo abaabulo falal dambiyeedyada, isagoo tilmaamay in baaritaanno ay sameeyeen ay muujinayaan in weerarro dhowr ah oo ka dhacay magaalooyinka laga soo abaabulay xeryaha qaxootiga.